|

Qarax weyn oo Goor dhaweyd lala Eegtay Ciiidamada Burundi ee Ku sugan Magaalada Marka

qaraxMarko: 28-july-2013 (SDN) Wararkii ugu dambeeyey ee ka yimaadda  magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax Khasaare dhaliyay oo lala eegtay cidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Qaraxa, oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso, ayaa waxa uu haleelay gaadhi Booyad h oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Gaar ahaan kuwa Burundi , waxaana qarax ka dib marqudha la maqlay  dhawaqa  iyo dayaanka rasaas culus oo Aagaas ka dhacaysay.

Ciidamo Burundi ah, ayaa isku gadaamay Booyadda laga qarxiyay oo la tilmaamayo inay halkaasi ku bas beeshay , waxana qaraxaas ka dib la arkayay rag hubeysan oo Baasuukayaal ku garacaya halka ay booyada ku gubaneysay.

Sidoo kale qaraxa labaad waxa uu ka dhacay wadada gasha magaalada markale, halkaasina waxaa qarax kale oo lala  eegtay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi

Qaxan oo ahaa mid aad u culus, islamarkaana ay muuqatay inuu khasaare geystay, ayaan wali la xaqiijin khasaarihiisa, hayeeshee, Xaalka ayaa  ah mid mid cakiran waxana lasoo sheegayaa in boqolaal ka tirsan ciidamada Burundi ee AMISOM ay isku gedaamen xaafadaha kala duwan ee mgaaladaas, waxaana la tilmaamaya in haatan ay socdaan baadhitano xoogani .

Goobta booyada qaraxa lagula beegsaday ayaa la sheegayaa inay tahay Xaafada Buulo Jaan oo ku dhaw Cusbitaalka magaalada Marka, waxaana la sheegayaa in halkaas ay ku dhawdahay xarun hay’ado Qaramada Midoobey ka deggan yihiin magaalada Marka.

Wixii war ah ee ka soo kordha Qaraxan dhawaan dhacay wararkayaga dambe kala socda.

 

Somalidiasporanews.com

Marka Somaia.

Comments are closed