|

Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho oo dib looga celiay Dad laga soo masaafuriyay Qaaradda Yurub.

gaaMugdiso: 28-july-2013 –(SDN)  Waxa ay Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowlada faderaalka Soomaaliya  dib uga celisay Garoonka Diyaaradaha  Caalamiga ah ee Muqidisho dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay dowladaha Sweden iyo Holland ay soo masaafuriyeen,

 

Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Generaal C/laahi Gaafow Maxamuud,  ayaa ka warbixiyay dad Soomaali ah oo laga soo masaafuray wadamada Sweden iyo Holland kuwaas oo laga soo dajiyay Garoonka Muqdisho,

 

Generaal Gaafoow ayaa sheegay in ay dib ugu celiyeen diyaaradii keentay taa oo uu ku tilmaamay in si sharci daro ah   garoonka ay kaga soo dejiyeen loona baahnaa in dowladda lala soo xidhiidhaan lana socodsiiyaan sababata ay usoo masaafurinayaan.

 

Dhanka kale Taliyaha hogaanka  Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladd Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabay warbixintii gudiga Monitoring Group oo ay ku eedeysay  Mas’uuliyiinta hogaanka  Socdaalka iyo jinsiyadaha  in musuq maasuq iyo wax isdaba marin ay ku sameeyeen  lacagaha ka soo xarooda  Baasaboorka Soomaaliya,taana uu ku tilmaamay mid waxba kama jiraan.

 

Generaal Gaafoow ayaa waxaa uu sheegay in warbixintaasi ay tahay mid been abuur ah oo lagu dhaawacayo Qaranimada iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed,isagoo sheegay in si wanaagasan ay umaamulaan dhaqaalaha ka soo xarooda sameynta baasaboorada dalka islamarkaana  ay geeyaan lacagahaasi Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

 

Dowlada ayaa hore uga codsatay Qaramada Midoobay in Daba gal lagu sameeyo warbixinta ay soo saareen Gudiga Monitoring Group,iyadoo mas’uuliyiinta qaar ay warbixinta quseesay ay iska fogeeyeen eedeymaha loo soo jeedayay.

Dibucelinta dadkan somalida ah, ayaa looga gol-leeyahay in lagu muujiyo inay Somalia leedahay xukuumad xaq u leh in lala soo socod siiyo wax kasta oo la xidhiidha hawlaha dalkeeda ka dhacaya, waxana ay tallaabadani wax ka badali doontaa ku talo galladii hore ee Dawladaha Reer Galbeedka.

 

Somalidiasporanews.com

Mugdisho Office.

Somalia

Comments are closed