|

Wasiir xirsi oo markale khilaaf Geliyey Derejo Bixinta wajiga labaad ee Ciidamada Somaliland

derejoHargeysa -28-july-2012(SDN)Waxa khilaaf Ba’ani ka taagan yahay Sida iyo Xilliga La bixinayo Wajiga labaad Derejooyinka Ciidanka Somaliland.

Miiska Saraakiisha oo ku yaalla magaalada Hargeysa, ayaa ilaa shalay waxa ka socda shirar ay leeyihiin qaar kamid ah wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddidii loo xil saaray inay  kala xulaan qaabka ugu haboon ee Derejooyinka loo siin karo ciidamada Somaliland.

Kulan maalintii shalay ka dhacay Guriga loo yaqaanno Miiska saraakiisha oo wasiiradii ku Kulmay ay ka mid ahaaayee Wasiirada wasaaradaha Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, u jeedaddiisuna ahayd sidii loo bixin lahaa wajiga labaad ee Derejada Ciidanka kala duwan ee Somaliland, ayaa uu khilaaf hor lihi ka curtay ka dib markii uu wasiir xirsi Codsaday in si degdeg ah loo bixiyo Derejooyinka ciidanka.

Waxase arrintaa meel Adag iska taagay oo ka gows-adaygay wasiirka ay arrintu sida gaarka ah u khusayso ee Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, oo sheegay inaanay arrinta Derejo bixinta ciidanku ahayn wax fudud oo lagu degdego, maadaama haatan ay tahay in Derejooyin la siiyo Hormooyin ka badan wajigii koowaad oo isagu ahaa 12-sarkaal oo kaliya.

Wasiir xirsi ayaa mar labaad ku adkaystay inay tahay in ciidanka la siiyo Derejooyinka maadaama  ay xukuumaddu haatan saddex jirsatay oo Derejobixinta ciidankuna  ahayd halbawle yaasha ballan-qaadyadii xisbiga kulmiye ee xukuumadiisa.

Shirkaas ayaa dhamaaday isagoo aan wax natiijo ah oo weyn laga gaadhin amaba aan la isla meel dhigin habka ugu haboon iyo xilliga ay tahay in la bixiyo Derejooyinka ciidanka oo si aad ah loo sugayo.

Maant ayaa mar labaad loo ballan sanyahay in shir kale la isugu soo noqdo isla miiska saraakiisha dhexdiisa, waxana la filayaa in arrinta ciidanka Derejadiisa khilaafka laga saaro oo la isla meel dhigo wakhti cayiman oo macquul ah.

Toddobaadkii ina dhaafay ayuun bay ahayd markii uu wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Tv-ga dawladda ka  sheegay inay ub qorshaysan tahay Derejo bixinta ciidanku Maalinta ciidda  Fidriga oo haatan wax ka yar laba Toddobaad ka hadhsan tahay, waxase muuqata inuu wasiirku Hadalkiisaa dib uga noqday oo uu meel kale wax ka eegay.

Derejo bixinta ciidanka Somaliland ayaan ahayn wax fudud maadaama xulashadooda ay door muhiim ah ku leeladay Arrinta Reeruhu, waxana haboon in si aad ah looga baaraan dego qaabka loo soo xulayo hormada labaad ee ciidanka ee derejada la siinayo

Sadexdii bishii Feruary ee sanadkan ayey ahayd markii uu madaxweyne Siilaanyo Derejooyin ku tolay 12-kii sarkaal ee ugu horreeyey ciidamada Somaliland oo lagu saleeyey Qaab reeraysan, waxana wali laga sugayaa sidii uu u dhamaystiri lahaa derejooyinka kale ee hadhsan.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeysa Somaliland.

Mawliidguure@yahoo.com

 

Comments are closed