Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Sheekh u dhashay Somaliland oo ku Guulaystay Abaal Marinta Macalinka ugu Wanaagsan Adduunka ee Sanadkan
Hargaysa 27.July (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa caawa waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo ka mid ah Culimada waa weyn ee Gobolka Awdal oo ku Guulaystay abaal Marinta Caalamiga ah ee Macalinka ugu Wanaagsan Adduunka .
Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo Qur’aanka Kariimka ah ka dhiga Markiska Weyn ee Iimaamu Shaadibi,Waxaanu Sheekhu ku Guulaystay Jaaisad la yidhaa Raabidatu Caalamu Islaam ,taasi oo la siiyo Macalinka ugu wanaagsan sanad walba aduunka oo uu sanadkan 2013-ka ku guulaystay Sheekh Xuseen Nuur .
Gudida bixisa jaaisadan oo fadhigeedu yahay Sucuudi Arabiya ayaa Bishan Ramadaan ee Barakaysan waxa ay sheekha u garteen in uu isagu noqdo qofkii Mutaystay abaal Marintan.
Kulankan oo Madaxweynuhu uu ugu Hambalyeynaayey Sheekha Jaaisadaa qaaliga ah ee uu ku guulaystay iyo magaca uu u soo hooyey dalkiisa hooyaba waxa uu madaxweynuhu sheikha ku hambalyey kuna dhiiri geliyey in uu dedaalkiisa halkaasi ka sii wado.
Waxa madaxwweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Culimo badan oo sheekha la socotay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com