|

Al Shabaab oo qarxisay Safaarada Turkiga ee Muqdisho iyo Saraakiil Turki ah oo ku Geeriyootay

Muqdisho July 27,2013(SDN)-Al Shabaab ayaa sheegatay Qarax is-miidaamin ah oo dad ku dhinteen oo ka dhacay safaarada Turkigu ku leeyahay Muqdosho maanta.

“Qaraxan ismiidaaminta ah waxaa lala beegsaday xarun ay deggen yihiin shaqaalaha safaaradda Turkiga oo ku taala meel ku dhow isgoyska KM-4, waxaana ku dhintay saddex qof oo qof ka mid ah uu ahaa rayid,” ayuu yiri Col. Axmed Maxamuud oo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa sheegay in gaariga weerarka lagu fuliyay oo ahaa nooca raaxda lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta isagoo doonayay inuu daba-galo gaari ay leedahay safaaradda turkiga oo doonayay inuu xaruntaas galo.

Qaraxan oo uu weheliyay weerar cagta ah ayaa dadka ku dhintay waxa ka mid ahaa sarkaal amniga u qeybsanaa safaarada Turkiga halkkaa dhawr kalena uu dhaawax ka soo gaaray weeraraka iyo qaraxa is xigay.

Al-shabaab  ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyagoo bartooda ay ku leeyihiin Twitter-ka ku sheegay in weerarka ay la beegsadeen saraakiil Turki ah oo ka howlgalayay safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho ayna qaar ka mid ah halkaas ku dileen.

“Weerarka ayaa waxaa fuliyay dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab, waxaana uu la beegsaday koox dublaasiyiin ah oo Turkiga u dhashay, kuwaasoo  ku sugnaa dhisme ku yaalla degmada Hodan,” ayay Al-shabaab ku tiri qoraal ay soo dhigtay bartooda Twitter-ka.

Dawlada Turkiga ayaa dhaleeceysay weerarkan Shabaabku ku qaadeen safaaradooda ku taal Muqdisho.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed