|

“Waxa Aanu Dhaxalnay Dalka Dunida Intiisa Kale Godoon Kaga Jira Una Baahan In La Der Der Galiyo” Dr Maxamed C.laahi {DHAGAYSO}

Hargaysa 27.July (SDN) Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibada haatanse loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga Dr Maxamed C.laahi Cumar ayaa si qoto dheer uga Sheekeeyay talaabooyinkii ay Wasaaradu ku hawl gashay Mudadii uu Xilkeeda hayay,taas oo ay ugu Mudnayd ayuu Yidhi in Somaliland ka Gudubto Waxa uu ugu Yeedhay Go’doonkii ay kaga Jirtay ka qayb galka Shirarka Khuseeya arrimaha Somaliland.

Dr Maxamed C.laahi Cumar waxa uu xusay in Xidhiidh ay sameeyeen uu u saamaxay in Mucaawimada Somaliland si Toos ah loo siiyo iyadoon gacan kale loo soo marin,isagoo sheegay in Sannadkii hore ay ka heleen Beesha Caalamka adduun gaadhaya 52 Milyan oo Yuuro,Waxa uu Wasiirku hadalkan ka Jeediyay Munaasibad uu Xilkii Wasaaradaasi maanta ugu Wareejinayay Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arrimaha Dibada.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MAQAAN27(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed