|

Madax ka Tirsan Wasaarada Caafimaadka oo Kormeer ku Maray Goobaha uu Talaalku ka socdo ee Boorama

Boorama 26.July (SDN) Dr Cali Sh.Cumar oo ah Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Wasaarada Caafimaadka ayaa  Kormeer ku soo maray Goobaha uu Talaalka Dabayshu ka Socdo ee Degmada Boorama.

Waxaa agaasimaha Kormeerkan ku Wehelinayay Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Awdal Dr C.raxmaan Jaamac Hadi iyo Xidhiidhiyaha Waaxda Talaalka ee Wasaarada Caafimaadka Abiib Aadan Nuur iyagoo u kuur galay hanaanka uu u socdo talaalka dabaysha oo maalintii labaad socda .

Madaxdani Waxay Warbixino ka dhagaysteen Hawl wadeenada Talaalka Fulinaya isla markaana ay uga warameen habka iyo hanaanka uu talaalku u socdo iyo Wixii Caqabad ah ee ka hor yimid .

Agaasimahha Waaxda Caafimaadka ee Wasaarada  Caafimaadku Waxaa kale oo ay soo kormeereen Deegaano ka baxsan Magaalada Boorama .

Talaalka Cudurka Dabaysha ayaa Noqonaya Wareegii Shanaad ee Sanadkan.

Boorama SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed