|

WARARKII UGU DAMBEEYEY WAFTIGII GAARAY GOBOLKA SHABELADA HOOSE

War qabadka  26.July (Qurbejoog.com)  Kadib Markii uu shir Saacado Qaatay uu Magaalada Muqdisho ku Dhexmaray Wasiiro iyo Xildhibaano ka Soo Jeedo Beelaha ku Loolamaayo Gobolka Shabeelada Hoose ee uu Dagaalka ka Dhaxeeyo kaas oo loogu Hadlaayey Sida Loo Qaboojin Karo Colaada Iminka Ka Soo Cusboonaatay Gobolkaasi.

Kulankii Kadib Ayaa waxaa Maantay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya Ka Ambabaxay Wafdi Balaaran oo iskugu Jiro Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Xukuumada Federalka Soomaaliya oo ka Soo Jeedo Beelaha Biyamaal iyo Habargidir oo u Socdo Xalinta Qilaafaadka Dagaal.

Wafdigaa uu horkacayo Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa la sheegay in socdaalkooda la xariir xalinta Colaada u dhaxaysa beela walaal ah oo halkaa dagaalo ku dhaxmareeen kuwaas oo kala ah Beesha Habar Gadir iyo Beesha Biyamaal.

Xaalad colaadeed ayaa lagu soo waramayaa in deegaanadaa ka jirto waxana Wafdigaan ay maanta u socdaalen deegaanadaa iyaga oo gaaray KM50 waxa ayna la kulmi doonaan dhinacyada is haya .

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa waxaa ku wahliya socdaalka wasiirka Cadaalada Dowlada Soomaaliya waxaana lagu wadaa in ay kala arin san doonaan Kooxaha is haya sidii u joojin lahaayeen colaadaa.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa xalay waxaa uu kulan la qaatay Xilidhibaano ka soo jeeda Beelaha is haya waxa uuna kala hadlay arintaa in la xaliyo waxana suuragal ah in arintaa salka ku hayso go,aankii kulan kii xalay.

Qurbejoog.com

Comments are closed