|

95-tahriibayaal Somali ah oo laga samato-bixiyey Doonni muddo Badweynta Liibya la sabbaynaysay

 

tahriibayaalLibya: 25-July-2013(SDN):- Doonni ay saarnaayeen   Tahriibayaal soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay 95, oo 36-kii saacadood ee u dambeeyey dul-heehaabaysay Badweynta Libiya iyo Dalka Talyaaniga  u dhaxaysa,  ayaa ugu dambayntii lagu guulaystay in la badbaadiyo.

Doontan oo ka shiraacatay Dala Libya  ayaa ay la soo deristay cillad sababtay inay muddo ka badan 36-saacadood biyaha dushooda heehaabto, waxana ugu dambayntii dadkaa u gurmaday Markab ay leedahay Dawladda Talyaanigu oo ay qalo-dhaantooduu gaadhay.

Qaarka ka mid dadkii laga samato-saaray oo markii ay Galeen Jasiirada yare e Lmbadusa Eheladooda la soo xidhiidhay,  ayaa sheegaya in dhamaan dadkii saarnaa Doonta la  wada badbaadiyey oo anay jirin cid ilaa iyo haatan ku  geeriyootay muddadii dheerayd ee ay biyaha dhexdeeda sabaynayeen.

Sidoo kale waxa dadkaa doonta saarnaa ee Eheladooda la soo hadlay intaa ku dareen inuu markab weyn oo dawladda Talyaanigu leedahay u yimi una jiiday dhinaca Biyaha dalka talyaaaiga iyagoo ka degey jasiiradda yar ee Lambedusa oo badanaa tahriibayaasha Talyaaniga abaaraa ay dalkaasi ka galaan.

Warkan ayaa neefta ku soo celiyey waalidiin badan  oo ubadkoodii saarnaa Dooonnidan oo aan labadii Habeen ee ugu dambeeyey hurdo seexa warwarka ay qabaan dartii, iyagoo tahriibayaashani ku sii biiri doono Kumanaan kun oo kale oo  Somali ah ookuwaas oo Hore u galay dalka Talyaaniga qaarkoodna u siii dhaafeen wadamada kale ee Yurubta   Galbeed.

 

 

Somalidiasporanews.com

 Axmed Cumar Axme (timo)  Hargeysa OFice.

MAWLIIDGUURE@YAHOO.COM

 

 

Comments are closed