|

90-Tahriibayaal Soomaliyi Ka Mid ahayd Oo Ciidanka Tunisia Gacanta ku Dhigeen Xilli ay Dhimasho ku Dhawaayeen

Tunis:Aug,11,2014(SDN/QJ)-Sida ay warbaahintu Sheegayso ku dhawaad 90-muhaajiriin afkiraan ah oo ay somaliyi  ku jirto, ayaa waxa Badbaadiyey Ciidanka ilaalada Xeebaha Dalka Tunisia.

donta tahrribkaTahriibayaashan ayaa ka amba baxay dalka Libiya, waxana ay ku sii jeedeen dalka Talyaaniga. Waxana ay kusoo celiyeen dalkooda Tunisia.

Ciidamada ilaalada ayaa la sheegay in dadkaasi ay badbaadiyeen iyaga oo saarnaa doono aan wanaagsaneyn taasi oo la sheegay inay qalibantay intii biyaha ay ku jireen dadkaasi.

“Ciidamada Ilalada Xeebaha ee Tunisia ayaa badbaadiyay 90 tahriibayaal African ah oo so sharci daro ah u saarnaa dooni cooshad ka sameysneyd kadib markii ay kula qalibantay xeebaha Zarzis oo ku taala koofurta Tunisia”sidaasi waxaa sheegay Mongi Slim oo ka tirsan hayada bisha ee dalka Tunisia.

Tahriibayaashaasi oo ay ku jireen afar haween ah iyo ilme yar yahay ayaa la sheegay in laba maalin ka hor ay ka tageen xeebta Zwara ee dalka Libya oo 60 km u jirta xuduud dalka Tunisia.

 

Mr Mongi ayaa sheegay in dadka lasoo badbaadiyay ay ka koobnaayeen 31 ruux oo u dhalatay dalka Sudan, 19 u dhalatay dalka Soomaaliya, 18 Eritrean, 10 Nigeria, 6 Morocco iyo 6 u dhalatay dalka Chad.

Wuxuu sheegay in 90 ruux ay ku jiraan xero ku taala Zarzis oo ay hooy kaga dhigtay hayada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

 

Bishii june, inka badan 200 oo tahriibayaal African ah ayaa la sheegay inay dooni kula qaliban xeebaha dalka Tunisia iyaga oo doonayay inay si sharci daro ah ku galaan wadamada qaaramada Yurub.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed