|

9 ka mid ah Maxaabiis Budhcad-baddeed Soomaaliyeed ah oo la keenay Hargeysa

Hargeysa, 28, Mar 2012 (SDN)- Sagaal ka mid ah Budhcad badeeda Somalida ah ee laga soo wareejinayo xabsiyada dalka Sycheles ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Hargeysa.

Maxaabiistan oo u dhashay dalka Soomaaliya, isla markaana hor-dhac u ah tiro budhcad-baddeed ah oo ay Somaliland heshiis ku soo gashay inay xabsiyadeeda ku haynayso ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Hargeysa waxa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa, kaasoo hore loogu talogalay dhismihiisa in lagu hayo maxaabiista Soomaaliyeed ee Budhcad-baddeednimada loo qabto.

Maxaabiistan ayaa markii ay ka soo dageen madaarka waxa ka muuqday shucuur aad u saraysa, waxaanay dhunkadeen ciida iyagoo ku farxay in ay dib ugu soo laabteen dal ay Somaliyi maamusho xabsigeeda.

Waxa madaarka kula wareegay Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa ee UNODS

Waxa siday maxaabiistan diyaarad khaas ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Ingiriiska kuwaasoo markii ay dhigeenba dib u laabtay

SDN, Hargeysa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed