86 qof Iyo 13 Shirkado Xawaaladeed oo ay ku eedaysay inay taageeraan Al-Shabaab oo Xukuumada Kenya Su’aalo Weydiinayso
Nairobi 15.April 2015 (SDN/QJ)- Haya’daha Ammaanka iyo Daba-galka dawladda Kenya, ayaa bilaabay su’aalo baadhitaan oo ay weydiinayaan 13 Xawaaladood oo Soomaalidu leedahay oo ay xayirtay Arbacadii toddobaadkii hore weerarkii Jaamacadda Gaarisa Kooxda Al-Shabaab ku qaadday 2-dii bishan April iyo sidoo kale Shaqsiyaad Culimo u badan oo iyagana ay xayirtay Xasaabaadkooda gaarka ah.
Dawladda Kenya, ayaa 13-ka Xawaaladood iyo 86 Ruux oo Muslimiinta Kenya, gaar ahaan Soomaalida ah ku eedeysay inay taageero siiyaan Malleeshiyada Al-Shabaaab ee ka dagaallanta gudaha dalka Soomaaliya, weerarradana ka fulisa gudaha waddanka Kenya dhawrkii sano ee u dambeeyey.
Shaqsiyaadkan iyo Shirkadahan ayay Kenya ku wargeliysay inay caddeeyaan inaanay wax lug ah ku lahayn taageerada dhaqaale ee lagu eedeeyay inay Al-Shabaab siiyaan. Qaar ka mid ah Shirkadaha Xawaaladaha iyo Shaqsiyaadka la eedeeyay, ayaa billaabay inay tagaan Xarunta Dembi-baadhista dawladda Kenya ee magaalada Nairobi oo ku taalla degmada South C ee magaaladaas, si ay eedeymaha lagu soo oogay isaga difaacaan, isla markaana su’aalo looga weydiiyo tuhunnada iyo caddaymaha ay eedaynteeda u adeegsanayso dawladda Kenya.
Xubnaha iyo Shirkadaha la eedeeyay waxay tiradoodu kala ahayd 13- Xawaaladood iyo 86 Qof, kuwaasoo ay ku jiraan Culumo si weyn dalkaas looga yaqaanno oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Musheekh kale, kuwaasoo qaarkood markii tallaabada xayiraadda ah dawladda Kenya qaadday warbaahinta ka hadlay, isla markaana ku dooday inaanay waxba ka jirin eedaymaha ay Kenya u jeedisay, wax caddayn ah oo dawladdu haysaana jirin, balse ay tahay tallaabo aanay ka fiiran dawladda Kenya ee uu yahay go’aanka lagu xayiray Xisaabaadkooda mid lagu deg-degay.
Jen. Joseph Boinett oo ka tirsan Saraakiisha Ammaanka dawladda Kenya, ayaa sheegay in shaqsiyaadka dawladdu ay Xisaabaadkooda xidhay ay hor-imaan doonaan Caddaaladda si ay u muujiyaan sababta keentay in Xisaabaadkooda la xidho ama la xayiro, iyagoo Shirkadaha iyo Shaqsiyaadkuba hore u sheegay inay iska difaacayaan eedaymaha loo jeediyey, maaddaama oo sida ay ku doodeen aanay lug ku lahayn eedaymaha dawladdu u jeedisay.
Sidoo kale, Boinett ayaa intaas ku daray in dadkii ugu horreeyey ay Isniintii toddobaadkan billaabeen in ay hortagaan Xarunta Dembi-baadhista, kuwaasoo laga buuxiyay faylal la xidhiidha hawlaha Ganacsi ee ay dalka Kenya u joogaan.
Hay’adaha Kenyaanka ah ee lala xidhiidhiyey Al-Shabaab waxay haystaan shan maalmood si ay isaga fogayeen ama u qirtaan Dembiyada lagu eedeeyey ee ay dawladda Kenya u haysato ee ah inay taageero dhaqaale siiyaan Kooxda Al-Shabaab ee weerarrada argaggixiso ka fulinayey gudaha dalka Kneya dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey, kuwaasoo weerarkii ugu khasaaraha badnaa ahaa kii ay ku galeen Jaamacadda magaalada Gaarisa oo ku taalla Waqooyiga-Bari ee dalka Kenya, kuna dileen 148 ruux, halka in badan oo kalena ku dhaawacmeen.
Shaqsiyaadka Xisaabaadkooda la xidhay badankooda, ayaa tegay Xarunta lagu weydiinayo su’aalaha ayaa waxaa wehlinayay Qareennadooda; waxaanay ka gaabsadeen inay Saxaafadda la hadlaan; iyagoo intaas ku daray inaanay la socon sababta keentay in la horkeeno Xaruntan Dembi-badhista.
Hase-yeeshee, qaarkood oo Warbaahinta la hadlay, ayaa ku eedeeyay dawladda Kenya inay xannibtay hantidooda; iyadoo aan wax caddeyn ah u hayn eedeymaha ay u jeedisay ee ay kula xidhiidhisay inay taageero dhaqaale u fidiyaan Al-Shabaab.
Kooxda Al-Shabaab ee Shirkadahan Ganacsiga ee Xawilaadda lacagaha Soomaalida ee 13-ka ah iyo 86-ka Culimada Soomaalida ee dalkaasi ka tirsan yihiin iyo Ganacsataba, ayaa dhawrkii sannadood ee u dambeeyey xoojinayey weerarrada argaggixiso ee ay ka geysanayaan gudaha waddankaas oo Xad la leh dalka Soomaaliya, iyagoo xataa Caasimadda Nairobi hawlgallo guulaystay ka fuliyey, dad badanna ku laayey gudaha dalkaas tan wixii ka dambeeyey markii ay Ciidammada Millateriga ah ee dawladda Kenya soo galeen gudaha waddanka Soomaaliya dabayaaqada sannadkii 2011-kii.