|

Mareykanka oo Markii u horeysay shaashadaha laga daawan doono Horyaalka Britain

New York April 17,2013(SDN)-Mareykanka ayaa yeeshay TV si toosa u soo tebin doona ciyaaraha Bremier league ka dib mudo dheer oo kubada cagta aan looga baran shaashadaha ugu magaca iyo faca weyn ee Mareykanka.

Warbaahinta NBC ayaa maanta shaacisay in ay heshiis la gashay Horyaalka Britain si ay u baahiyaan gebi ahaan tartamada Horyaalka.

NBC ayaa siineysa Premier League aduun dhan $250 million si ay u hesho ogolaashaha sii deynta ciyaaraha horyaalka.

NBC ayaa baahin doonta gebi ahaanba 380 ka ciyaarood ee horyaalku ka kooban yahay,taas oo kolka la barbardhigo TVyadii hore u baahin jiray ciyaaraha Premier League.

Mareykanka ayaa ilaa iyo haatan ah suuqa Ciyaaraha ee dunida ugu qanisan kolka la eego lacagaha ay taageereyaasha ciyaaruhu ku bixiyaan daawashada ciyaaraha iyo iibsiga qalabka ciyaaraha.

SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed