|

Maxkamada Ku taalada Denmark oo Xulun ku Riyaday Dhalinyo Asal Ahaan Soomaali ah

Cobanhegan March 26 2013 (SDN)– Maxkamad ku taalo dalka Denmar ayaa Xukun sanadeed gaaraya Seddexsano iyo bar ku riday Labo muwaadin Soomaaliyeed oo walaal ah,kuwaasi oo lagu eedeeyay inay xariir wadaag ay ahaayeen ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Maxkamada ayaa shalay oo isniin ahayd sheegtay inay danbi ku heshay Labadani muwaadin,iyagoo la sheegay inay inay tababar ku soo qaateen xerooyin tababar oo shabaab ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya.Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ee xukun Maxkamadeedka ku dhacaya ayaa lagu kala Magacaabaa Guleed Mohamed Warsame 24,iyo Nuur Maxamed Warsame.Danbi oogayaasha ayaa tilmaamay in Maxkamada ay ku heshay danbi ah in dhowr bilood labadani qof ee walaalaha ah ay tababar ku qaadanayeen Soomaaliya gaar ahaan xerooyin tababar oo u dhow Magaalada Muqdisho.

Labadani qof ee walaalaha ah ayaa ayaa dalka Denmark ku laabtay bishii March sanadkii 2012,iyagoona 16-sano ah ku noolaa Magaalada Aarhus,

Maxkamada ayaa shaaca ka qaaday in xukunka uu dhacay kadib markii shaqsiyaadkaan ay qirteen danbiga lagu soo oogay,islamarkaana ay sheegeen inay ka xariir la lahaayeen Al-shabaab.

Hayeeshee Ma’ahan markii ugu horeysay Muwadiniin Soomaaliyeed iyagoo lagu eedeeynayo xariir dhanka Al-Qaa’ida xukun uu kula dhaco Denmark,balse inta badan wadamada reer galbeed arintaasi caadi ayay ka noqotay Madaama dagaal ay kula jiraan ururweynaha Al-Qaa’ida.

Dhanka kale Hooyo Duniyo oo iyadoo joogta magaalladda Aarhus wareysi siisay Idaacadda Codka Maraykanka (VOA), ayaa sheegtay inay Ciiddanka Sirdoonka dalka Denmark ay wiilasheyda ka qabteen, xilli uu mid ka mid ah Wiilasheeda ka soo laabanayey safar uu Somalia ku tegay.

‘Mid ka mid ah Wiilasheyda arrimo dhinaca Familka ayuu Muqdisho u tegay sannadkii hore, laakiinse, waxay Sirdoonka Denmark ku qabteen dalka Djibouti” ayey tiri hooyada, oo gaashaanka ku dhufatay inuu Wiilkeeda tababar la soo qaatay Kooxda Alshabaab.

Waxay kaloo xustay in dad Soomaali ah oo deggan Denmark ka dambeeyeen inay Ciiddanka dharka cad ee Denmark xiraan Wiilasheeda oo da’doodu kala tahay 24-jir iyo 19-jir, waxayna xustay inay Ciiddamaddu u sheegeen inay dad Soomaali ah ku soo wargeliyeen inay Wiilasha yihiin dad Diinta Islaamka ku adag.

SDN-Cobanhegan

Comments are closed