80-jir Markii shanaad Ku Guulaystay Madaxtinimada Ururka Kubadda Cagta Adduunka Ee FIFA
Surich:May,30,2015(SDN/QJ)-Madaxtinimada Ururka Kubadda cagta adduunka ee FIFA, ayaa waxa markii shanaad oo xidhiidh ah ku guulaystay Sepp Blate, kadib markii uu ka guulaystay Amiir Cali al-Xuseyn oo u dhashey dalka Urdun (Jordan).
Isku dar waxaa codkooda dhiibanayey 209 Ergey oo ka socdey Xidhiidhada Kubadda Cagta ee dalalka ku mideysan FIFA.
Wareegii kowaad ee doorashada Sepp Balletr ayaa helay 133 cod halka Prince Cali uu heley 73, taas oo kaliftey in doorashadu marto wareeg labaad, waxaana qofka guushu raaceyso laga doonaayey 140 cod oo keliya.
Wareegii labaad waxaa tanaasuley Prince Cali, waxaana uu u mahad celiyey ergooyinkii codka siiyey iyo dhamaan ururka FIFA, taas oo ka dhigtey Blatter musharaxa keliya sidaasna guushu ku raacdey.
Waa markii shanaad oo Ballter loo doorto xilka, waxaana uu hayey muddo 23 sano, isaga oo hadda madaxa la siigalaya sanadkii 80-aad ee cimrigiisa.
Blatter ayaa taageero xooggan ku leh, ergooyibka Afrika oo gaadhaya 54, kuwa Aasiya iyo Koonfurta Ameerika, iyo Badhtamaha Ameerika.
Blatter ayaa doorashadiisi kadib sheegey in uu ahaanayo qof u furan la xisaabtan marka la eego duufaanta hadda socota, isla markaana masuuliyadda garbihiisa u ridanaya.
“Waxaan FIFA saarey dusheyda, waxaana saxayaa wixii ka qaldamay FIFA aniga oo kaashanaya idinka, markii mudada xilkeygu dhamaato waxaan soo wareejin FIFA oo xooggan, dhanka kalena FIFA uma baahna in arimaheeda siyaasad la soo dhex-geliyo” ayuu yidhi Balatter.
Blatter ayaa ladhihi karaa mudadii uu hayey xilka FIFA waxay sameysey hormar baaxad leh, waxay shaqeysey balaayin Dollar oo bangiyada u yala, waxaana ay maalgashi dhanka ciyaaraha ku samaysey dalalka soo koray gaar ahaan Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika Iyada oo dhanka kalena aysan ka amrneyn Musuq-maasuq iyo ku takri fal awoodeed.
Doorashada FIFA waxaa hadheeyey musuq-maasuq lagu soo oogey madaxda sare ee ururka kuwaas oo 13 kamid ah xidhan yihiin isla markaana baadhitaan ku socdo, waxaana lagu eedeynayaa in ay qaateen 150 milyan oo dollar oo laaluush ah.
Dhanka kale waxaa saameyn ku yeeshay FIFA xiisadda u dhexeysa Rushka iyo reer Galbeedka. Putin ayaa ku eedenaya reer Galbeedku in aanay meelna dhaafin oo xataa ciyaarihii siyaasaddu lagashey, kadib markii ay soo jeediyeen in dib loo baadho go’aankii Ruushka iyo Qatar ay ku heleen s anadaha 2018 2022, Waxaan tartankaas ku guuldaraystey dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka oo musharixiin ahaa.
Qaar kamid ah madaxda ururka UEFA ee Qaarada Yurub ayaa wada qorshe haddii Balatter dib loogu doorto xilka ay isaga baxayaan ciyaaraha adduunka sanadka 2018 kuwaas oo lagu qabanayo dalka Ruushka, inkasta oo Madaxweynaha UEFA Michel Platin uu ka soo horjeedo qorshahaas, kaas oo la aaminsan yahay in uu yahay mid siyaasadeysan.
Si kastaba ha ahaatee Blatter ayaa ballan qaadey in uu saxayo waxyaabihii ururka ka qaldamay lana dagaalamayo musuq-masuqa.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com