|

8 Sanno ee u Danbeeyay iyo Tirada Dadka Shacabka Ah Iyo Argagixisada Ee Ay Dileen Drones-ka Maraykanka

Washington , 04.July 2016 (SDN/QJ):- War-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad ee Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Weerarada ay fuliyeen Diyaaradaha Drones lagu Dilay ugu yaraan 116 Ruux oo Shacab ah tan iyo Sanadii 2009-kii markii Madaxweyne Barack Obama uu la wareegay talada Dalkaas.

drones-kaWeeraradaasi oo xagga cirka ahaa ayaa Diyaaradaha Drones-ka waxey siyaabo kala duwan uga fuliyeen Dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Pakistan, waxaana Weeraradaasi ay dhaceen inta u dhaxeysa sanadaha 2009-kii ilaa iyo 2015-kii.

Sidoo kale Weeraradaasi oo gaadhayay 473 ayaa waxaa lagu Dilay Dagaal yahano ka tirsan kooxaha xagjirjaa ah ee ka dagaalama caalamka waxaana  lagu qiyaasay 2,372 ilaa iyo 2,581.

Dawlada Mareykanka ayaa weeraro dhowr ah oo lagu Dilay Saraakiil iyo Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxaa Diyaaradihiisu ay ka fuliyeen Dalka Soomaaliya iyadoo ay diyaaradahaasi Dileen Hogaamiyihii Kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

Diyaaraha Drones-ka ee aanay cidi wadin ee dawlada Maraykan ayaa bartilmaameedsada Hogaamiyeyaasha Kooxaha Argagixisada balse waxaa marar qaar at galaaftaan Nolosha Dad rayid ah.Diyaaradaha Dagaalka ee Dalka Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay kordhiyay Weerarada xaga cirka ah oo ay ku beegsanayaan Saraakiisha Xarakada Al Shabaab.iyo hogaamiyayaasha kooxaha Xagjirka ah.

Comments are closed