|

77-tan Sanno Ka Dib Xiddiga Reer Ingiriiska Andy Murray oo Ku Guuleystey Wimbledon Grand Slam. By Jaahuur.

London-Wimbledon-July-08-1013-qurbejoognews.com-Ottawa-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu manta ula caraabeynaa xagaa iyo cariga Ingiriiska oo lagu kala faraxashey koobka Wimbledon Grand Slam.

Haddaba labadii wiig ee aynu soo dhaafney waxaa si xiisad leh uga socdey carigaa Ingiriiska koobka Tenista ee loogu magacdarey Wimbledon Grand Slam,waxaana ka soo qeybgala ciyaartoy badan oo aduunka caan ka ah Gabdho iyo Wiilalba.

Haddii aynu soo qaadano afarta ciyaaryahan ee ciyaartan Tennista caanka ku ah,sida Novak Djokovic,Rafael Nadal,Roger Federer iyo Andy Murrey, hadaba koobkan waxaa dhawr jeer ku guuleystey Federer,Djokovic iyo Nadal halka uu Murrey ay u tahay maanta markii uguĀ  horeysey oo uu hantiyo koobkan.

Asxaabtay koobkan Wimledon oo can ka ah carigaa Ingiriiska ayaa manta waxay farxad iyo reynreyn u ahayd wadanka Boqortooyada Ingiriiska markii Andy Murrey ku guuleystey koobkan kana badiyey Djokovic 6-4-7-5-6-4.

Koobkan Wimbledon oo sannad kasta lagu qabto Ingiriiska ayaa 77-an sanno ayna Ingiriisku ku salaaxin in ay ku guuleystaan waanata ay manta u dabaaldagayaan.

W/Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed