76 Jir U Dhashay Masar Oo Aan Biyo Cabbin 58 Sanadood, Dhibaato Caafimaadna Aan Dareemayn !
Qahira 08. March 2017 (SDN/QJ):-Waxa laga yaabaa in dad badan oo inaga mid ahi ay isweydiiyaan sidee ayay u dhici kartaa in muddo 58 sano ah uu qof ku noolaado biyo la’aan, balse ninka ay ku dhacday arrintani laftiisa ayaa ku sheegay inay tahay Qadar Ilaahay oo xikmadaysan.
Ninkan oo ay Da’diisu tahay 76 jir una dhashay Dalka Masar ayaa muddo 58 sano ah aan cabbin wax biyo ah sida uu ku sheegay Shabakada wararka ee Al-arabiya oo Wargeyska Himilo tarjumay, Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Ali Ginesh ayaa waxa uu yahay Duqa Tuulada Budayda ee ka tirsan Gobolka Kofra Al-sheekh ee ku yaalla waqooyiga Dalkaasi Masar waxaanu Ali yidhi “Waxa ay arrintani bilaabantay sanadkii 1959kii markii aan guursaday saddex bilood Kadib waxaan dereemay harraad aad u darran waxaanan cabbay biyo badan si aan harraadkaasi iskaga Biiyo, intaasi kadibna waxaan dareemay xanuun aad u adkaa oo calloosha iga qabtay waxaanan u tagay Dhakhtar, waxaanu ii sheegay inay biyahaasi sabab u yihiin dhibaatadaasi oo haddii aan biyo cabbo ay calooshu i xanuunayso isla markaana biyo kasta oo aan cabbo ay igu sameeyaan Infection xagga caloosha ah, waxaanu iga codsaday dhakhtarkaasi in aan iska daayo cabbista biyaha si xanuunkaasi iiga Go’o, waxaanan cabbaa Sharaabka laga sameeyo Aala-Sonkorka Cas oo Aabahay iyo odoyaal kale oo tuulada ka tirsanaa igula taliyeen, laga bilaabo maalintii aan cabbitaanka Sharaaabkaasi bilaabay ayaa Caafimaad iigu horreysay ilaa maantana dib uma tagin Dhakhtar mana cabbo biyo”.