Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Ansixiyay guddi-hoosaadka baarlamaanka oo ka kooban 15
Muqdisho Dec 15 2012 (SDN)-Baarlamanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulankoodii 34 aad ee kalfadhiga koowaad ayaa ka dooday Ajande ku saabsan dib u habaynta Baarlamanka.
Waxaa inta uu kulanka Baarlamanka uu socday warbixin looga dhagaystay Gudi farsamo oo ka koobnaa Shan xubnood oo loo saaray dib u habaynta Baarlamanka.
Xubnahan ayaa waxaa ay Baarlamanka ay soo hor dhigeen 15 gudi oo uu yeesho Baarlamanka Soomaaliya.
Kulanka Maanta ayaa waxaa soo xaadiray 158 xildhibaan waxaan Cod loo qaaday qorshaha cusub oo ay taageereen 156,waxaa ka soo horjeestay hal midna waa uu ka aamusay sidaa daraadeed Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaai ayaa ku dhawaaqay inay ansax tahay codaynta.
Halkan ka aqriso 15 gudi uu yeeshay Baarlamanka Soomaaliya.
Gudiyada ay soo jeediyeen in barlamanku yeesho ayaa waxa ay kala yihiin.
1-Gudiga xeer hoosadka anshaxa iyo xasaanadda xildhibaanada
2-Gudiga u kuurgelida dib u eegsita iyo dhaqangelinta dastuurka
3-Gudiga garsoorka owqaafta iyo arimaha diinta
4-Gudiga arrimaha gudaha maamulada gobolada iyo amniga Qaranka
5-Gudiga xaqiiqo raadinta dib uheshiisinta iyo hanti isku celinta
6-Gudiga Miisaaniyadda Maaliyada qorsheynta iyo la xisaabtanka hay,adaha dowladda
7-Gudiga arrimaha dibedda iyo iskaashiga calamiga
8-Gudiga difaaca Qaranka
9-Gudiga Xuquuqul insaanka haweenka iyo bani’aadanimada
10-Gudiga Caafimadka waxbarashada shaqada iyo isboortiga
11-Gudiga horumarinta reer miyiga xoolaha iyo beeraha
12-Gudiga Kheyrdka dabiciga ah ee dalka
13-Gudiga Warfaafinta wacyigelinta dhaqanka boostada iyo isgaarsiinta
14-Gudiga Wadooyinka dekedaha garoomada iyo tamarta
15-Gudiga Dhaqaalaha ganacsiga iyo warshadaha