|

WAA BARNAAMIJKII SUGAANTA IYO ISBEDELKA DHAQANKA BULSHADA(QEYBTII 2AAD)

Berlin August 03,2012(SDN)-Akhristeyaal mar kale ku soo dhawaada Barnaamijki Suugaanta iyo isbedelka Bulshada oo aad qeybtiisii hore maalmo ka hor halkan uga bogateen. Akhristeyaal waxa xasuusin gaar ah naga ah in qaybtaani ay daba socoto taxanihii hore.

Waxaan taabaneeyna inaaga oo qayb walabaa siideeda ugaa hadalayanaa
1: sida uu ahaa deegaanka ay ummada soomaaliyeed ku nooleyd
2: dhaqaanka lagu dhaqami jirey
3: sugaantaa

1: DEGAANKA:

Degaanka soomaalidu degato waa mid ay ku yar yahiin magaalayooyinku(kaam) ahaana mid aad ubalaadhaan
kaas oo ilaahay ku manaysteey dhirta noocaydeedaa kala duwaan,kuwaas oo aad ka heeli karto wax walabaa oo aad ubahantahay,dhirta ka baxada inta badan waxa ugu caansanaa Qudhaca,Galoolka,Labiga,Qansaxa,Bilcilka,toboga,jiica,xodayga,dharkeeynka,madheedhka, gahaydha , dhafaruurta,
dareentaa .dixiidaa .cawska duurka …. I W M

Dhirtaa iyo qar kaloo badaan ayaa ilaahay waxaa uu ku manaysteey geyiga somaaliyeed,, kuwaas oo xoolaahuuna sii wanaagsan ugu dhargii jireen,dadkuna cunto iyo manaafaacad xoolahaba kaa heeli jireeen.

Waxaa kalo deegaan kaa jireey oo udub dhaxaadka u ahaa ceelasha iyo baraagaha kuwaas oo xoolaaha laga waraabin jiray.

Dhulka waxaa laga ilaalin jireey nabaad guurka,lamana shidi jirin dhirta,dhulka waxa uu ahaa mid ugaadhuna aad uga buuxaday,sida Maroodiga,Libaaxa,Shabeelka,Waraabaha,Harmicadka,dhidarka orgonka,dacwada,Gariiga,Juglayda, gorayada,biciidka,xinxiitadaa,galowga,guuguma,guumeysta,Sakaarada. I W M

Sidaasna waxaa kuu cadeynayaa in wadankeenu ahaa hodan, iyadoo soomaalidu aanay wakhtigaas lahayn hub anbaa uu ku yaraa waxaa ay ku dagaalamaana uu ahaa  Waran iyo Gaashaan anba qoriga midh kaliyaalaha oo wakhtii danbee soo gaadhay.

Taasina waxa ay kalifi jirtey in xayawaanku ku nagaado dhulka barwaaqada ah ee nabaduna ay ka jirto dadka degenaa deegaankaas somaalidu intaa maantaa uu yahay aad ayuu ugaa yaraa,iyaga oo si wanaagsan isku garanaayeey,oo
hadii qof dhinto laa wada ogaanjireey,

Dhulka waxaa ku yaraa ceelsha,waana sababtaa ta ceelaashu caan u ahaayeen,iyadoo baraagana dhulka laga qodona jireey.

Waxaa inta badan gulufka colaadaha dhalin jireey u tartanka dhulka daaqsimada leh oo lagu soo wada hayaamo iyo ceelaashaa oo la kalaa riixdo,gugii,kaaliishii,dayrtii iyo xagaagiiba ayaa iyaguna waxay door muhiim ah ka qaadaan jireen hadba xaaladaha jira oo markaa barwaaqada ,,, waa laa wadaa noolaanayeey nabad iyo coolaad tey doontaba ha ahaatee,balse markaa abaartu timaado inta badan waxa la kala riixanayey dhulkaa hadba nin waliba si uu xoolihiisa wax ugu heelaayo.

laa soco waa taxane qaybta : 3 aaad

waxaa soo diyaariyeey : jamac maxamed xandule

jamaca143@hotmail.com

Comments are closed