6 Sababood Oo Qofka U Nugleeya Dhaxanta: Qabow Aad Joogto U Dareentaa, Waa Calaamad Caafimaad Darro (1)
Hargeysa – U adkaysiga dhaxanta dadku si dabiici ah ayaa ay ugu kala duwan yihiin, laakiin haddana u nugaylka badan ee dhaxanta ayaa ay khubarada caafimaadku aaminsan yihiin in ay sababtiisu tahay xanuunka mararka qaarkood aan qofka niyaddiisaba ku soo dhicin.
Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah sababahaas caafimaadka la xidhiidha ee ay dhakhaatiirtu sheegayaan in ay keeni karaan in qofku si joogto ah u dhaxamoodo.
1. Xanuunka qanjaha hunguriga (Thyroids):
Qanjaha hunguriga ee afka qalaad lagu yidhaahdo Thyroids iyo qanjidhka afka qalaad lagu yidhaahdo Pituitary oo ku dheeggen maskaxda qaabilsanna soo deynta hormoonnada, isla markaana shaqo wadaag la’ ah qanjidhka dhuunta ayaa shaqooyinka kale ee ay qabtaan waxaa ka mid ah in ay jidhka qofka diirimaad fiican siiyaan. Tusaale ahaan qanjidhka dhuuntu waxa uu kululeeyaa jidhka waxa aanu isu dheelli tiraar heer kulka jidhka.
Haddaba haddii ay dahcdo in qanjidhkani uu shaqadiisa gabo ama yareeyo waxaa qasab ah in qofku uu dareemo dhaxan, taas oo qanjidhka kale ee Pituitary ee aynu sheegnay in uu la shaqeeyo siinaysa amar uu ku soo daayo hormoon shaqadiisu ay tahay in uu baraarujiyo qanjidhka hunguriga (Thyroids) oo fara in uu soo daayo heer kul inta hadda ka badan, laakiin taasna waxaa ka dhalanaysa dhibaato kale oo ah marka ay qanjaha Thyroids soo daayaan xaraaradda in aanay xakamayn karayn xaraaraaddaas oo ay wadayaan illaa ay gaadho heer uu haddana qanjidhkii maskaxda ee Pituitary marka uu dareemo heer kulka sii badanaya isna bilaabo in uu iska caabbiyo, aakhirkana ay dhacdo in qanjidhka Dhuuntu uu gebi ahaanba shaqada joojiyo ama aad u yareeyo.
Marka aynu soo koobna qofka dhaxanta sida aan caadiga ahayn ugu nugul, waxaa la gudboon in uu hubiyo caafimaadkiisa qanjaha.
2. Cillad ama khalkhal ku jira wareegga dhiigga:
Habsami u socoshada wareegga dhiiggu kaalin muhiim ah ayaa ay ku leedahay habaynta iyo isu dheelli tirka heer-kulka jidhka. Haddii cillad ama khalkhal ku yimaaddo wareegga dhiiggana dhibaatooyinka ka dhasha waaa ka mid ah, in qofku uu dhaxan xoog ah ka dareemo cagaha (Inta kabta lagu xidho) iyo gacmaha intooda hore (faraha iyo baabacooyinka).
Sababo badan ayaa keena in uu khalkhal ku yimaaddo habsami u wareegga dhiigga iyo in uu jidhka wada gaadho, waxaana ka mid ah, xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga. Tusaale ahaan haddii wadnaha ama xididdada dhiiggu ay daciif yihiin oo aanay sidii loogu talogalay u awoodayn in ay shaqadoodii dabiiciga ahayd u wada qabsadaan, tusaale ahaan waxaa ku adag in wadnuhu uu awood leh u afuufo dhiigga, taas oo keenaysa in darafyada iyo xubnaha fog aanu dhiiggu si fiican u gaadhayn, kuwa ugu fog marka wadnaha loo eegana waxa ay noqonayaan gacmaha hore iyo cagta inteeda hoose. Sidaa awgeed iyaga ayaa dhaxanta u nuglaanaya.
3. Xanuunka macaanka:
Macaanku inta badan waxa uu dhaawac ku keenaa hab-dhiska neerfeed ee loo yaqaanno Peripheral Nerve, oo ah neerfayaasha maskaxda iyo xangullaha oo ah xarunta hab-dhiska neerfayaasha ku xidha gebi ahaanba qaybaha kale ee jidhka aadamaha.
Calaamadaha lagu garto cudurka macaankana waxaa ka mid ah, qofka oo kabuubyo ka dareema cagaha hoose (Inta kabta lagu xidho) iyo labada gacmood, sababtuna waa neerfayaashaa aynu soo sheegnay ee macaanku dhaawacayo ayaa masuul ka ahaa in ay ishaarada heer-kulka jidhka u diraan maskaxda, si ay maskaxdu u soo deyso hormoonnadii isu dheelli tiri lahaa, taasi marka ay meesha ka baxdo ayaanay dhacaysaa in qofka macaanka qabaa uu dareemo dhaxan xoog ah.
Geeska