Beesha Cabdalle Sacad (Sacad Muuse) oo Ugaas cusub Caleemo saaray
Hargeysa, 23, May 2012 (SDN)- Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu Caleemo saaray Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan (Ugaas Xawaareye) oo ka mid noqonaya Madaxdhaqameedyada Beelaha Sacad Muuse ee Gobolka Hargeysa, gaar ahaana Beesha Cabdle-sacad.
Caleemo saarka ugaaskan oo ka dhacday hoolka Shirarka ee Huteelka Maansoor waxa ka soo qayb galay siyaasiyiin ka kala socda Dawladaha Somaliland Jamhuuriyada jabuuti, madaxdhaqameedyo tiro badan, Culimo awdiin, Ganacsato uu ka mid yahay Maal-qabeenka Somaliland iyo jabuuti ee Maxamed Aw-siciid iyo Bolaal qof oo isugu jiray Haween iyo Dhalinyaro, kuwaasoo Caano ku shubkiisii Ugaasnimada ka sakow duco iyo daar-daaran u soo jeediyay Ugaaska la caleemo saaray.
Madaxda labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti uga qayb galay Caleemo saarka ugaaska Beesha Cabdale sacad, waxa ka mid ahaa, Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyada Jabuuti iyo xubno kale oo siyaasiyiin iyoWaxgarad isugu jira oo booqasho ku jooga dalka , halka dhinaca Somaliland ay madashaasi fadhiyeen Hogaamiyayaasha Ururadda iyo Asxaabta Siyaasada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku-xigeenka UDUB,iyo Guddoomiyaha Ururka Dalsan, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Somaliland iyo siyaasiyiin kale oo madaxbanaan .
Dhinaca kale Culimo awdiinka Somaliland wax Caleemo saarka ugaaska goob joog ka ahaa Sh. Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sh. Aadan Siiro), iyadoo dhinaca madaxdhaqameedkana ay goob joog ka ahaayeen Suldaanka guud ee Beesha Syeer Awal, Suldaanka ee Beelaha Awdal, Selal iyo Gabilay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Garaad C/rashiid Garaad Cali , Suldaanka guud ee Bariga Burco, Boqorka beesha Magaado, Suldaanka Guud ee Beesha Tol-jecle iyo madaxdhaqameedyo kale oo tiro badan, kuwaasoo Ugaaska si diiran ugu soo dhaweeyay Saaxada Golayaasha Dhaqanka ee Somaliland.
Suldaanka Guud ee Beesha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ugu horayn ka hadlay Munaasibada caleemo saarka ugaaska ayaa hambalyo iyo soo dhaweyn mug leh u fidiyay Ugaaska cabdale Sacad , waxaanu dhawaaq dheer ku sheegay inuu aqoonsaday Ugaasnimada C/laahi laga bilaabo saacada caleemo saarka “marka hore anigoo ku hadlaya afka Madaxda Dhaqanka ee Beelaha Subeer-awal ee Taariikhda soo jireenka ah leh waxaan kugu soo dhaweynayaa inaad ka mid noqoto hogaanka dhaqanka ee Beeshaasi, waxaanan aqoonsaday maanta oo ay taariikhdu tahay 23 Bisha may ugaasnimada Cabdilaahi Cabdi Xasan (Ugaas Xawaareeye) ”ayuu yidhi.
Suldaanka guud ee Beelaha Samaroon Suldaan Ibraahim jaamac Samatar, Garaad Cabdi Rashiid Garaad Cali oo ka mida Isimada Beelaha Dhulbahante ayaa iyaguna munaasibadaasi uga duceeyay Ugaaska cusub , waxaanay ilaahay uga baryeen inuu Xilka ugaasnimo u fududeeyo, isla markaana noqdo kii Aaragti cusub iyo istijaah hogaamineed oo umadda lagu midooyo ku soo kordhiya madaxda Dhaqanka dalka.
Xafladan Cakleemo saarka ahayd oo intii ay socotay lagu soo bandhigay Taariikhda soo jireenka ah ee Sandalada Beesha Cabdale Sacad iyo Kaalinta ay kaga jirto magaca beelaha subeer awal, waxa ugu dambeyntii ka hadlay Ugaaska cusub ee la boqray Ugaas Cabdilaahi Cabdi xasan, kaasoo mahad-naq, hambalyo iyo afeef dhigasho awoodiisa ku taxaluqda halkaasi uga diray dadka gudaha dalka jooga ee doortay kuwa dibada joogaba, isagoo dhinaca kale si gaarana ugu jawaabay dhaamaan Dadka reer Jabuuti iyo asxaabtiisa kale ee dibadaha ku nool eek u soo hambalyaysay xilka loo igmaday, kuwaasoo mid mid iyo gobol gobol uu hambalyo iyo mahad naq ugu diray ugu diray iyagana.
Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan waxa uu qodob qodob u taabtay qaabka uu u wajahayo hogaamintiisa dhaqameed, waxaanu yidhi “anigu noqon mayo sidii ay ahaayeen Aabahay iyo awoowyaday, laakiin waxaan xusuusnaan doonaa sidii quruxda Badnayd ee ay bulshada ula dhaqmi jireen iyo habkii ay ula socon jireen dadkooda iyo dadka kaleba , waxaan xusuusnaan doonaa hogaamintii salaadiinta Beelaha Somaliland ee aan ku garaadsaday iyo kuwa aanu asxaabta nahay ee iminka taliya , waxaan doonayaa inaan Umadda reer Somaliland oo dhan dhex u noqdo oo aan ka qayb qaato nabadaynta iyo ka hortaga masiibooyinka coolada, illaahayna waxaan ka baryayaa inuu igu asturo”ayuu yidhi.
Ugaas Cabdilaahi waxa kale oo illaahay ka beryay in Somaliland la ictiraafo “waxaan illaahay ka baryayaa in Somaliland la ictiraafo”ayuu yidhi.
Si kastaba ha ahaatee ugaaskan lagu cakeemo saaray magaalada Hargeysa ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay yeelato beesha dooratay, iyadoo xaflada lagu boqrayna ay ahayd iyada lafteedu ku cusub caleemo saarka hogaanka Dhaqanka Somaliland, isla markaana wajiyada ka muuqday ay ka mid ahaayeen kuwa ka mida dadka ugu mudan bulshada reer Somaliland ee dhinacyada Dhaqanka, diinta iyo Ganacsatada.
SDN, Hargeisa