|

54 Sanno kadib oo ay Magaalada Boorama Yeelatay Wado Laami ah ,Cida Tacabkaas Fulisay oo ASARDA ah (SAWIRO)

Boorama 22.Feb 2014 (SDN)- Dhawrkii km ee u dambeeyay ee wadada laamiga ah ee isku xidhi doonta Boorama iyo Caasimada Hargaysa ayaa maanta daamurkii lagu shubay, waxana maanta goobjoog u ahaa madaxda hayada ASARDA, culimaaudiin, qurbojoog iyo suxufiyiin.

Talaabadan ayaa waxa ay noqonaysaa mid taariikhi ah oo ku suntan markii ugu horaysay ee 54 sano ee ay Somaliland xor tahay ay magaalada Boorama yeelato jid laami ah oo isku socodka fududeeya kaasi oo ku xidha dalka intiisa kale, iyo sidoo kale soo afmeerka bilawga riyadii ka soo maaxatay muwaadiniin reer Awdal ah, taasi oo gun dhigeedu ahaa in ay hormuud u noqdaan dhismaha jidka isku xidha Dila iyo Boorama oo baahi badan loo qabay.

Gudoomiyaha Hayada ASARDA Md. Cabdilaahi X. Ciise oo ka hadlay halkaasi ayaa u mahadnaqay dhamaan dadkii ka qayb qaatay dhismaha jidkan oo ay xukuumadu ku jirto, waxana isaga oo ka faaloonaya heerarkii uu soo maray dhismaha jidkani uu yidhi ” Bilawgii jidkan waxa uu ku bilaabmay hami iyo hiigsi ay dadka reer Boorama la yimaadeen, waxana qaybtii hore ee jidka oo dhan 8km dhisay dadka reer Awdal oo gude iyo qurboba ah oo taageero ka helay ganacsato reer Somaliland ah iyo muwaadiniin kale, wajiga labaad ayaa waxa uu dhanaa 16km oo ay gabi ahaanba dhismihiisa gacan ka gaysatay xukuumada xisbiga Kulmiye ee uu gadhwadeenka ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Madaxwayne ku xigeenkana uu ka yahay Eng. Cabdiraxmaan Saylici, waxana aan qiraynaa in xukuumadu ay waajibkeedii gudatay, baahida jidkan loo qabayna waxa maanta ka turjumi doona dadka jidka mara oo dareemaya sida uu u fududeeyay isku socodka, waxana aan hadalka gundhig uga dhigayaa in mashruucii Dila iyo Boorama uu maanta dhamaaday, loona baahan yahay in Eebe loo mahadnaqo”

Gudoomiye Cabdilaahi isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxa aan la iloobi karin oo aan mahadwayn u celinaynaa Wasiiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aan ognahay kaalinta muga leh ee uu ka qaatay dhismaha wadooyinka, waan ka marag kacaynaa, waxaanan qiraynaa inuu yahay muwaadin ku hawlan sidii dhismaha jidadka Somaliland ay u hormari lahaayeen”

Gudoomiye ku xigeenka Hayada ASARDA Md. Ismaaciil Cabdi Riiraash oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa yidhi “Runtii ma noqon doonto hawshii u dambaysay ee ay ASARDA qabato, waan ognahay inay hawl badan na sugayso, waxana aan hawsha noo qabsoontay ugu mahadnaqaynaa xukuumada uu Madaxwayne Siilaanyo iyo M/Kuxigeen Saylici ay hogaaminayaan, waxa kale oo aan u mahadnaqaynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay jidka oo aan leenahay Eebemiisaanka xasanaadka ha idiinku daro, waxa kale oo aan intan ku darayaa in ASARDA ka soo baxday qaybtan koowaad ee dhismaha jidka, waxana aan filayaa in qaybaha kale ee dhismaha jidkana aan ka wada qayb qaadandoono, waxana muhiim ah in meel walba oo la joogo loo soo duceeyo ASARDAiyo intii ka qayb qaadatay jidkaasi”

Muumin Jaamac Samaale oo ka mid madaxda hayada ASARDA oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waa Alle mahadii waxa aan soo afmeeraynaa hawshii ay dadwaynuhu noo xilsaareen ee ahayd dhismaha jidkan, talaabadni ma noqoteen mid meel mar ah, hadii xukuumada talada haysaa aanay ahayn mid diyaar u ah in dadka wax qabsanaya ay garab istaagto, jidkii Dila iyo Boorama hadii uu soo xidhmay waxa noo hadhay waa laba talaabo oo tan koowaadi tahay inaan gacan u qaadno jidka Dila iyo Kalabaydh oo u baahan dayactir, iyo tan labaad oo ah in aan ka wada qayb qaadano dhismaa jidka Boorama iyo Lawyacado oo aan xukuumada ka hayno balanqaad ah inay dhagaxa dhigto dhismihiisana ka qayb qaadato”

Abiibakar Xuseen Miicaan oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Maalintii aan jidkan dhamaaday bilaabaynay wax lacag ah iyo wax qalab ah maanaan haynin, waxana aan ku bilawnay niyad iyo heelanaan aan ku hiigsanaynay halka aan maanta joogno, iyo talo saarasho aan EEBE talo saaranay, maantana waa nagu guuleeyay, Waxa aan bilawnay bishii April 2010kii inaanu jidkaasi daamur saarno, marka laga reebo halsano oo aanan shaqaynin oo aan qalab raadinayna waxa aan jidkan ku dhamaynay 2 sano iyo badh, intii u badnaydna waxa dhamaystirtay xukuumada Kulmiye oo mahad balaadhan iska leh, Waxa aan halkan ka cadaynayaa in goboladani ay ka xidhnaayeen dhamaan dalalka jihooyinka kala duwan ka xiga, waxana aan maanta ka marag kacaynaa in uu dhamaaday hal jid oo isku xidhaya Boorama iyo Somaliland inteeda kale, waxa intaasi ka dambeeya waxa ugu muhiimsan ee ina sugaya dhamaanteenba waxa uu yahay inaan ka qayb qaadano oo aan isku xidhno jidka isku xidha Boorama iyo Lawyacado,

Sh. Cali Aadan oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa xusay in diinta Islaamku ay dhiiri galisay dhismaha jidadka, waxana uu u duduceeyay xukuumada iyo dhamaan shacabkii ka qayb qaatay dhismaha jidkaasi, sidoo kale waxa uu umada reer Somaliland ku booriyay inay ka qayb qaataan dhismaha jidadka ee dalka ka socda.

Mid ka mid ah Qurbojooga Reer Awdal oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Waxa aan maanta u joogaa oo aan ka marag kacayaa in jidkii Dila iyo Boorama isku xidhayay uu dhamaaday, talaabadanina waa mid muhiim ah oo u taagan sida uu hormarku uga socdo dalka gudihiisa, waxa aan leeyahay waxa loo baahan yahay in dhamaan qurbojoogu ay ka qayb qaataa dhismaha jidka Boorama iyo Lawyacado ee la bilaabayo, iskaashigu waa talaabo hormarka barbartaagan, waxana loo baahan yahay in la xoojiyo”.

DSC06583 DSC06584 DSC06585 DSC06586 DSC06591 DSC06592 DSC06593 DSC06594 DSC06595 DSC06596 DSC06598 DSC06599 DSC06601 DSC06602 DSC06603 DSC06605 DSC06606 DSC06607 DSC06609 DSC06610 DSC06613 DSC06614 DSC06615 DSC06616 DSC06617 DSC06618 DSC06619 DSC06620 DSC06621 DSC06627 DSC06628 DSC06630 DSC06635 DSC06639 DSC06644 DSC06654

Boorama SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed