|

480 Muhaajiriin Soomaaliyeed Ah Oo Ku Qarqoomay Badda U Dhaxaysa Talyaaniga iyo Masar

Hargeysa, 17,4,2016 (QJ/SDN) – Waxaa la soo sheegayaa in ay dooni ku qarqoontay ama ay ku degtay badda u dhaxaysa Dalka Masar iyo Talyaaniga. Doontan oo sida la sheegay siday ku dhawaad 480 Ruux ayaa la sheegay in dhamaan dadkii saarnaa aanay waxba ka badbaaday ayna Geeriyoodeen.

Dadka Doonta saarnaa ayaa la sheegay in badankoodu ay ahaayeen arday jaamacadaha ka dhamaysay iyo qaar waqbarashadu uga socotay dalka Masar kuwaas oo sida la sheegay badankoodu ay ka soo jeedeen Gobolada Somaliland Ha u sii kala badnaadaane. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in inta ugu sii badani ay ka soo jeedeen Magaalooyinka Burco iyo Hargaysa.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dhacdadan kala soco wararkayaga danbe insha allaah.

Comments are closed