45-shaqaale La Shaaciyey inay Wasaaradda Arrimaha Guduhu Qaadan Doonto Oo La Musuqmaasuqay iyo Imtixaan Dadka Lagu Majara-habaabinayo Oo Berri Loo Ballansan Yahay
Hargeysa:14-Feb-2014(SDN)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa hore u shaacisay inay Qaadan Doonto Shaqaale Tiradoodu Dhan Tahay 45-Qof Oo ka Hawlgeli doona Arrimaha Diiwaangelinta Shacabka oo Dhawaan Dalka ka Bilaabmi Doona, waxase soo Baxay Warar Murugo leh oo sheegaya in Madax kala Duwan oo Xukuumadda Ka Tirsani si Badheedh ah u kala Qaybsadeen Shaqaalahaas.
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo xuddun u ah In mar walba la Musuqo Shaqaalaha Dawladdu qaadan doonto, ayaa ku dhawaaqay inay Imtixaan Kaliya u jeeddadiisu tahay in Dadka lagu Tuso in Boosaskaas loo Tartamayo Ay berri Qaadi Doonto, waxana Halkaas Lagu Filayaa sida ay sheegayaan Warar hoose oo Qurbejoog.com heshay in ugu yaraan 400-Qof ay Berri Halkaaas iskugu iman doonaan,kuwaas oo aan Ka War haynin in waxa ay imtixaanka ugalayaan Hore loo Qoondaystay.
Wararka aanu hayno ayaa sheegaya in Si Toos ah loo qaybsaday Tiradan kooban oo shaqaalaha ah, waxana inta ugu badan Qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo ah meesha rasmiga ah ee shaqaalaha qaadashadoodu ka Go’do.
Wasiirrada Dawladda ayaa iyaguna intooda badani gacanta Geliyey Shaqaalaha, waxana ka mid ah ragga u soo Qoystay oo Calafkooda ka qaaday wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Xannaanada Xoolaha, Warshadaha, Duulista Hawada, Macdanta iyo Agaasimayaal Tiro Badan oo ka Tirsan Xukuumadda.
Kooxdan ayaa si Qoondaysan u qaybsatay Tiradan Shaqaalaha ah, waxana Haatan Diyaar ah inta Badan Shaqaalaha Dhallinyarada lagu Jaahwareerinayo inay Bannaan Yihiin.
Arrintan ayaa laf Jab ku ah Guud ahaan Hannaanka Dawladnimo iyo Caddaalada Somaliland ka Jirta, waxana inta badan dhacda in Shaqo wal oo soo baxdaba qaabkan loo lunsado.
Madaxweynaha Somaliland oo ah masuulka ugu sarreeya ee qaranka ayuu waajib ka Saaran yahay inuu Ogaado meesha uu ku dambeeyo Dhawaaqa lagu baahinayo Jagooyinka shaqo ee Bannaan, waxana looga Baahan yahay inuu Hubiyo Habka lagu qaato shaqaalah Dawladda, maadaama Dhibka ugu weyn ee Haatan dalka ka taagani uu yahay Shaqo La’aan, isla-markaana wixii yaraa ee Soo Baxa Habkaa ay wasiirro koobani u qaybsadaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com