|

“43 Sanno oo uu Ku Jiray Warbaahinta Soomaalida Iyo Saamayntii uu Ku Yeeshay Saaxada Warfidiyeenka” Marxuun Axmed Xasan Cawke oo Galabta Lagu Aasay Magaalada Togwajaale

Wajaale  17 Nov 2015 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland,Madax ka Socotay Golayaasha qaranka, Qaybaha Warbaahinta Somaliland ayaa Galabta ka qayb galay Aas qaran oo Loogu sameeyay Magaalada Tog Wajaale Suxufigii Ruug Cadaaga ahaa ee Axmed Xasan Cawke oo ku Geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Dalka Itoobiya.

11988764_1061646457189230_888980845915936855_nAaska alle ha u naxariistee Weriye Axmed  Xasan Cawke ayaa Kulmiyey Dad Tiro badan oo ka mid ah Hal doorka Bulshada Somaliland iyo qaybaha Warbaahinta Somaliland iyo Kuwa Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Marxuun Cawke uu ka mid ahaa Tiirarka Warbaahinta ku hadasha Luuqada Somaliga Kaas oo la rabo inay ku daydaan Suxufiyiinta kale.

12243152_1061646420522567_3103291586536449278_nGudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Saaxiib dhow  la ahaa Marxuun Axmed Xasan Cawke ayaa sheegay in Marxuunka ay Isku fasal ahaayeen kuna wada biireen Dugsiga Camuud Sannadkii 1966kii waxaanu xusay inuu ahaa Weriye Saamayn weyn ku yeeshay Warbaahinta Soomaalida, Gudoomiyuhu Waxa uu intaas ku daray in dabeecad wanaag lagu yaqaanay Marxuunka.

12243000_1061646683855874_4735463375116770305_nWasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in Marxuun Axmed Xasan Cawke uu dariiq fiican u jeexay Warbaahinta ku hadasha Luuqada Somaliga Isla Markaana ka tegay dhaxal taariikheed waari doona Waxa uu Wasiir Cukuse Xusay in Marxuun Cawke Mudo dhawr iyo afartan Sano ah uu ku soo jiray Mihnada Saxaafada uu ka hawlgalay hay’ado warbaahineed oo isugu Jira kuwo Caalami ah iyo Kuwo Maxali ah.

12250114_1061646477189228_1390765362922049954_nWaxaa kale oo Goobtaasi ka hadlay Xubno ka Mid ah Shakhsiyaadkii ay Mudada dheer soo wada shaqeeyeen Kuwaas oo ay ka Mid ahaayeen Warfidiyeeno aad looga yaqaan Geyiga Somalidu degto Sida Idiris Cigaal Nuur,Yoonis Cali Nuur,Siciid Cali Muuse,Cabdisalaan Ibraahin Hereri Waxayna  dhamaantoodba iska daba mareen Astaamaha Baadi soocda u ahaa ee lagu yaqaanay Marxuunka,Waxayna ku Sifeeyeen Weriye Codkar ah hibo fiicana u lahaa hanaanka War tebinta iyagoo si Gaar ah  isu dul taagay Barnaamijyada Maaweelada oo Marxuun Cawke uu Caan ku ahaa,Sidoo kale Waxaa aas qarameedkaasi ka hadlay qaar ka mid ah  Suxufiyiinta Jiilka Maanta.

Alle naxariistiisii Janno ha ugu deeqee Marxuun Axmed Xasan Cawke Wuxuu Ifka kaga tegay Lix Caruur ah iyo Hooyadood Marwo Sacdiya C.laahi Salaad.

Muuqaalka Video-ga ee Aaska Marxuun Axmed Xasan Cawke Kala Soco Shabakada Qurbejoog.com

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Source Somalidiasporanews.com

Comments are closed