42 Soomaali Tahriibeyaal Ah Oo Lagu Dilay Badda Yemen
Sanca 18.March 2017 (SDN/QJ):- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya 42 Qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo la dilay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay xalay ku weerartay Doon ay saarnaayeen Xilli ay maraysay Xeebaha Dalka Yemen.
Dad ka badbaaday weerarka ayaa sheegay inay u socdeen dalka Suudan, iyaga oo ka baxsanyey dagaallada ka socda dalka Yemen, laakiin ay duqeysay Diyaarad nooca Qumaatiga u kaca ah oo qayb ka ah Diyaaradaha Isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee Duqeymaha ka wada Dalka Yemen, halkaasna ay ku dhinteen 42 ka mid ah Soomaalidii Doonta la socotay.
Wakiilo ka socda ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, isla-markaana loo qaaday magaalada Xudeyda.
Kooxda Xuutiyiinta ee Dalka Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka lagu dilay Tahriibayaasha Soomaalida ah.
Cidda weerarkan lagu xidhiidhiyey oo ah Isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee duqeymaha ka wada Yemen, ayaan weli ka hadal Sababta ay Weerarka ugu qaadeen Doonta Dadka Qoxootiga ahi saarnaayeen, laakiin Weerarkan ayaa ku soo beegmay Xilli Laba Toddobaad ka hor ay kooxda Xuutiyiintu Saddex Doonyood ku weerarreen isla-markaana ku qarxiyeen Markab Sucuudigu leeyahay oo ku sugnaa Marin-biyoodka loo yaqaanno Baabul Al-Mandab.