|

40 Tallaabo oo ku gaadhsiinaya in aad nolashaada si raaxo leh ugu noolaato!

 

bbbAfartankan tillaabo ayaa qofkii sida ay tahay u qaada waxa uu ku noolaanayaa farxad waxa uuna gaadhayaa horumar waana uu ka nolol duwanaanayaa dadka kale.

1- Maalin walba soco 10-30 daqiiqo adiga oo faraxsan.

2- fadhiiso kaligaa 10 daqiiqo adiga oo aamusan.

3- maalin kasta ka hurud 7-8 saacadood .

4- Nolashaada Maalin kasta ku Saleey saddex shey(awood+xamaasad+caadifad).

5- ku dheel maalin kasta wax naftaada farax galinaya aadna ku raaxeysaneyso( game I.W.M.).

6- akhri maalin walba book ama kitaab ama joornaal, oo ka badan kuwii aad sanadihii la soo dhaafay aqriyi jirtay.

7- u sameey waqti gaar ah oo naftaada cibaadeysato( Salaad+ wardi+ Qur,aan aqris).

8- la sheekeyso waqtigaaga qayb ka mid ah dadka da,da ah (70 jir) iyo wixii ka weyn,iyo kuwo caruurta ah oo ay da,doodu ka yar tahay(6 jir).

9- inta aad soo jeedo sameey riyooyin ka badan inta aad hurudo.

10- badso in aad cunto raashinka dabiiciga ah,iskana yareey raashinka gasacadeysan ama baceysan.

11- cab biyo aad u fara badan(2,5 Litr) Maalinkii.

12- ka qoslisii ugu yaraan 3 ruux maalinkii.

13- waqtigaaga ha ku bixinin waxyaabo macno darro ah(chating+hadal faa,iido la,aan ah,I.W.M).

14- iska iloow wixii hore u dhacay,hana soo xasuusinin qofka nolosha kula wadaagaya( Nin iyo Naag) qalada uu hore kaaga galay,sababtoo ah waxay dhib ku abuureysaa waqtiga aad hadda joogtid.

15- iska ilaali fikradaha qaldan in ay ku hogaamiyaan ama aad raacdo,awoodaada oo dhan iskugu geey ka shaqeynta arimaha wanaagsan.

16- ogow noloshu waa sida iskuul oo kale,adiguna waxaad tahay arday dhiganaya iskuulkaas,dhibaatooyinka ku soo wajahana ay la mid yihiin maadada xisaabta oo kale oo u baahan in aad su,aalaha xisaabta ka shaqeyso oo kaliya.

17- Quraacda u cun sidii Boqorka oo kale,Qadadiina u cun sidii amiirka oo kale,cashadiina u cun sidii qof faqiir oo kale ah.

18- dhoola cadeey wax badana qosol oo faraxsanaaw xilli walba.

19- nolosha waa waqti kooban ha ku dayacin waqtigaas kooban in aad dadka nacdo.

20- wax kasta ha u qaadanin in ay run yihiin ama ay dhab noqonayaan,( ahoow qof Xariif ah oo caqli badan).

21- qasab ma aha in aad tartamada iyo doodaha aad adigu badisid mar kasta ( isku day in aad ogolaato waxyaabo qaladan xiliyada qaarkood).

 

22- iska iloow waqtiyadii kaa tagay xumaantooda ,si uusan kaaga xumaanin mustaqbalkaada.

23- marnaba noloshaada hala bar bar dhigin ruux kale, ama qofka nolosha kula wadaagaya(nin iyo naag) ha la bar bar dhigin dadka kale.

24- ogow qof kaliya ee farxadaada mas,uulka ka ah in aad adiga tahay.

25- iska cafi dadka oo dhan adiga oo kala reebin.

26- dadku wax ay kaa aaminsanyihiin, wax xiriir ah oo kaala dhaxeeyo ma lahan.

27- wanaaji mar walba rajada aad rabigaada u qabto.

28- xaalad kasta ood ku sugantahay(xumaan iyo wanaag) ogow in ay is badaleyso.

29- shaqadaada iyo hantidaada kuma daryeeli karaan xilliga aad xanuunsato,laakiinse waxaa ku daryeeli kara xilliga aad xanuusantahay asxaabtaada,saas dardeed daryeel asxaabtaada xilli walba.

30- ka fogow wax waliba oo aan faa,ido lahayn sida( wax aan raaxo lahayn,qurux lahayn).

31- xaasidnimadu waa wax waqtiga kaa luminaya oo kaliya.(wax kasta oo aad u baahantahay waad haysataa waadna sameysan kartaa).

32- wax walba oo wanaagsan gadaal ayey ka yimaadaan taas shaki kuma jiro.

33- si kasta ood wax u dareento, ha daciifin, kac oo horey u soco mar waliba.

34- mar waliba sameey waxa saxa ah oo iskal ilaali qaladka iyo xumaanta in aad adigu sameyso.

35- xiriir joogta ah la sameey waalidkaada iyo qaraabadaada kana war qab xilli kasta.

36- ahoow mar waliba qof rajeeya mustaqbal wanaagsan iyo qof faraxsan.

37- isku day maalin walba in aad bixiso wax qaali kugu ah ood jeceshahay adiga oo siinaya dad kale oo shi sheeye kaa ah.

38- ilaali xuduudahaaga iyo kuwa dadka kale.

39- marka aad subaxdii soo toosto adiga oo caafimaad qaba u mahad neq alle S.W.

40- waligaa ha u shalaayin hana u murugoonin wixii ku dhaafay,mar walba bilow nolol cusub.

W/Q: Maxamed Abuukar Sh.Xassan(M.Deeq)

E-mail: deeq1982@hotmail.com

Västeråas,Sweden.

 

Comments are closed