|

Soomaaliya & Mustaqbalka (2016)

21 Sano ka dib, Dalka Soomaaliya & Dadka Soomaalida halkey ku socdaan!Dalka Soomaaliya wuxuu ku socdaa inuu kala gogo,o ee qayb waliba ay gooni isu maamusho & Dadka Soomaaliyana waxay ku Socdaan iney wada noqdaan Qaxooti si ay u galaan wadamada Yurubta waxaana la ogyahay inta Soomaali ah ee ku maqan waddanka Dibaddiisa laguna qiyaaso 3.8 Milyan waxaana loo maleynayaa tiradaa iney ka badnaan doonto kolka la gaaro Sanadada 2014-2015 ayna gaari doonto ilaa 6.5 Milyan waxaana lagu qiyaasaa Tirada Soomaalida iney tahay 12,000.000 oo kala ah 65% Dheddig ah & 35% oo Lab ah…. Meesha ay sartu ka qurantaynna waa Koonfurta Soomaaliya waana meesha ugu degaanka badan ee Soomaaliya ilaa & haddana aanan lahayn Maamul wannaagsan ee la taaban karo waxaana la Saadaalinayaa in Soomaaliya loo qaybin doonno qaybo yar yar ee Ismaamul ah ee Dowladaha Deriskana korka ka ilaaliso.

Tusaalle: Gobollada Hiiraan,Bay, Bakool,Shabeelada Hoose & Dhexe waxaa Maamuli doonno Ithiopia, Gobolada Jubooyinka & Gedona waxaa Maamuli donna Kenya Gobolka Banaadirna ay Maamusho Dowlad maqaarsaar ah ee aaney awood lahayn ilaa laga gaaro 2016 taasoo loo malaynayo in Soomaaliya ay Maamuli Doonto Qaramada Midobey taasoo sabab loogu dhigi doonno in Geeska Afrika ay noqotey meel Al-Qaacidda Maamusho

Taagna loo waayey iney ka qayb gasho wada hadalka siyaasadeed ee dib u dhiska & Ammaanka Soomaaliya taasina waxaa daliil u noqon kara Marka uu ka degey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban ki Moon Garoonka Dayaaradaha ee Muqdisho Bisha December 09,2011

wuxuuna hadalkiisa si khafiif afka u soo mariyey Al-Shabaab iney ka qayb qaadato wada hadalka & dib u dhiska Soomaaliya sida hadalka u dhigey halkaasina kama muuqato Dib u heshiisiin dhab ah ee laysagu wada yeerayo Muxaafid & Mucaarid taasoo ay welibana keeni karto in qof waliba uu hore ugu sii adkeysto ra,yiga uu aaminsan yahay badatana isku dhac ama kala qoqobnaan hor leh waxaana soo dhow Doorashooyinkii la filayey ee Soomaaliya 2012

talow ma Kenya & Ithiopia ayaa lagu soo dooran donna Barlamaan & Madaxweyne? Haddii lagu soo doorto dibadda Soomaaliya waxaad si fudud u ogaan kartaa amaba u fahmi kartaa in Soomaaliya aanan loo rabin iney noqoto Dowlad xoog leh ee Geyiga Soomaaliya ay wada Maamusho

micnaheedu waxaa weeye in lawada qayb qaybiyo ee kolka la gaaro 2016 lagu wareejiyo Qaramada Midoobey taasoo sameyn doonto khadad cagaaran iyo Ciidamo Caddaan ah ee loo wada qaybin doonno Maamulada Koonfurta oo idil maqaar saarna loogu dhigi doonno inuu Maamulo qof u dhashey Gobolkaa amaba goboladaa lagu magacaabey Maamul Goboleedka…

ogoowna xalka Soomaaliya waa ka baxay gacanta Soomaalida waxaanna iminka gacanka ugu jirtaa Dowladaha deriska ah iyo Dowladaha reer Yurub welibana dowladda Maraykanka taasoo ay ka leedahay dano siyaasadeed & dhaqaaleba dalka Soomaaliya ogoowna dhulka soomaaliya inuu hodan ku yahay Gaaska dabiiciga waana Gobolada Koonfureed ugu badnaan Gobolka Shabeelaha hoose Degmooyinkiisa oo kala ah 1) Degmada Qoryooley Beesha Jeeroow & 2) Degmada Afgooye intaa waxaa dheer Macaadin fara badan ee dhulka Soomaaliya ka buuxdo iyo Petrool Gobolada Woqooyi Bari & Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya ta kale Dhulka Soomaaliya waa Dhul ku habboon Beerashada waa dhul Bekri ah inta badanna beerashada ku wannaagsan waxaa intaa aan sii raacinayaa in Ilaahay u Gargaaro Dadka & Dalka Soomaaliya si ay u hantaan waddankooda Hooyo.

Ali Sheikh Adam

Comments are closed