|

37 Kun oo arday oo u fariisanaya Imtixaanka Dugsiyada Sare Sabtida

Muqdisho June 19, 2024 (QJ)-Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee sannad dugsiyeedka 2023-2024, oo ay kormeerayso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa dhici doona Sabtida.

In ka badan 37,000 oo arday oo ku nool magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa sanadkan u fariisan doona imtixaanaadka dugsiga sare, iyadoo tirada ugu badan ee ardaydu u fariisanayaan imtixaanka.

Dhawaan waxaa lasoo gaba gabeeyay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada dhexe, waxaana ka qeyb galay in ka badan 35,000 oo arday oo ka kala socday gobolka Banaadir iyo gobolada dalka.

Waxaa xusid mudan in imtixaankii sanadkan ay ka qeyb galeen arday ka kala timid deegaano ay horey gacanta ugu hayeen kooxaha hubeysan sida Xarardheere,Ceeldheer,Aadan-Yabaal iyo gobolo kale.

Comments are closed