|

32 Hawl Gal Wasaaradda Amniga Ku Soo Qabatay In ka badan Boqol Qof iyo Hub kala Duwan

Muqdisho 07.Aug 2014 (SDN/QJ)- Shirkii Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta warbixin looga dhageystay wasaaradda amniga oo sheegtay in 32 howlgal oo toddobaadkan laga fuliyay magaalada Muqdisho lagu qabtay 111 qof iyo hub.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo kulanka wasiirrada kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu xiray qaarkood la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Wuxuu sidoo kale Ridwaan tilmaamay in howlgallada lagu soo qabtay 37 qori oo noocyadooda aanu faahfaahin iyo 2 bistoolad oo sharci-darro ah.

Kulanka Golaha Wasiirrada waxaa shir-guddoominayay raysul wasaare ku-xigeen, ahna Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed.

Dhinaca kale, afhayeenka wuxuu xaqiijiyay in uu baaritaan ku socdo rag loo soo qabtay dilkii xildhibaan Sheekh Aadan Madeer loo soo qabtay.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed