|

29-Tahriibe Oo Dhaxan Iyo Qabow Daran Ugu Dhintay Xeebaha Badweynta Talyaaniga

Lampedusa:Feb,11,2015(SDN/QJ)-Masiibo kale ayaa qabsatay Tahriibayaal Nolol Doon ah oo ku safrayey Badweynta u dhexyasa Dalalka Libya iyo Talyaaniga kadib markii 29-Qof oo kamid ahaa 100-Qof  ay qabow iyo dhaxan u dhinteen.

ITALY-IMMIGRATIONCiidamada Bada ee Talyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen dooni siday in ka badan 100 qof oo tahriibayaal ah oo mareysay meel u dhaw jasiirada Lampedusa, 29 qof oo kamid ah oo dadkii doonidaasi saarnaa ayaa u dhintay dhaxan iyo qabow.

Weli faah faahin lagama bixin jinsiyada ama dalalka ay kasoo jeedaan tahriibayaasha dhintay oo isugu jira dad ka yimid dalal kala duwan oo Afrikaan ah.

Xiligan ayey dabeylo iyo qabow ka dhacayaan qeybo kamid ah qaarada Yurub iyadoo tahriibayaashu aanay heysan waxay dhaxanta isaga difaacaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed