|

29 Jir Socdaal Uu Ku Maray 60 Dal, Ka Dib Ku dhawaaqay inuu Diinta Islaamka ku Biiray

Zimbabwe 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Afar sanadood ka hor waxa uu go’aansaday inuu ka baxo gurigiisa, rumeeyana riyadiisii ahayd inuu u socdaalo wadamada dunida, waxaana wadamada uu ku hamiyey ee uu maray ka mid ahaa waddamo Muslim ah oo ay ka mid yihiin Turkiga, Indonesia, Albania iyo Malaysia, waxaanu xogo iyo fariimo socdaalkiisan ku sabsan la wadaagay qoyskiisa iyo saaxiibadii, kaasi oo ka dhigay caan isaga iyo saaxiibadiiba.

 

Badankeenu waa aynu jecel nahay inaynu adduunka u socdaalno oo soo aragno meelo badan oo aynaan arag, qoraalkana waxa uu ku sabsan yahay nin lagu magacaabo Michael Ruppert oo da’adiisa lagu qiyaaso 29 sano jir, isla markaana soo maray 60 waddan, waayo aragnimadiisa socdaalkaasi dheer ka dib go’aansaday inuu qaato Diinta Suuban ee Islaamka.

 

Michael Ruppert IslamMichael Ruppert, go’aankiisu waxa uu ahaa inuu socdaalo, isla markaana la wadaago waayo aragnimadii uu la kulmay intii uu socdaalka ku jiray, ka dib markii uu soo noqday waxa loo soo diray farriimo badan, inta badan deeqihii uu helayna waxa uu siiyey kuwii u baahnaa, tusaale ahaan dalka Zimbabwe oo ku yaala qaaradda Afrika mar uu booqday waxa uu ka jeediyey khubad meelaha wax lagu barto.

 

Micheal, ka dib socdaalkiisan waxa uu sameeyey Bog Facebook ah oo ku baahiyo waayo aragnimadiisa kaasi oo uu u bixiyey Starring You (Aduu ku hagayaa).

 

Ninkani ma ahayn qof Muslima markii uu socdaalka bilaabay, wakhtigii uu ku jiray socdaalka ayuu aad u xiisaynayey inuu ogaado arrimo badan oo ku sabsan Islaamka, sida uu ku sheegay wareysi uu siyey Shabakada Mvslim.

 

“La joogista qoysas badan oo Muslima oo ka soo jeeda Malaysia iyo Indonesia, waxaan xiisaynayey inaan waydiiyey su’aalo badan oo Islaamka ku sabsan sida: Maxay Muslimiintu u akhriyaan Quraanka?,  Maxay ka qabtaan Masaajidka?, Maxay ku dabaal degaan maalmaha fasaxyadooda?, xiisayntan iyo su’aalahan waxa ay ii hoggaamiyaan dhinaca Islaamnimada”, sidoo kale waxa uu ka hadlay waxyaabaha ay isaga midka yihiin dhaqanada dunidu.

 

Micheal, waxa uu sheegay inuu Boggiisa Facebook-ga Starring You, kula wadaagi doono dadka waayo aragnimadiisa ku sabsan socdaalka dheer uu dunida ku soo maray.

 

Isaga oo hadda qaatay diinta Islaamka, isla markaana bishii Ramadaan uu soomay sida uu ku soo bandhigay boggiisa.

Comments are closed