Gollaha Amaanka oo ansixiyay hawgalka cusub e AUSSOM
NY (QJ) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan ka yeelanaya xaaladda amni ee Soomaaliya, waxaana looga hadlayaa howlgalka cusub ee AUSSOM oo bilaabanaya sanadka 2025-ka.
Goluhu waxa uu si aqlabiyad ah ugu codeeyey taaba gelinta iyo qaabaynta hawl-galka cusub maadaama waqtiga hadda ee ATMIS (Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya) uu ku eg yahay 31-ka December ee sanadkan.
Qaraarkan qabyada ah ee golaha ammaanku ansixiyeen, waxa hoggaaminaya oo maamulaya Boqortooyada Ingiriiska. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in 12,626 askari oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah la geyn doono Soomaaliya laga bilaabo 1-da Janaayo ee sanadka cusub.
Howlgalka cusub ee AUSSOM, ayaa la filayaa in ciidamadooda ay ka howlgalaan Soomaaliya ilaa 30-ka June 2025-ka.
Kulanka maanta ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaa la xaqiijiyay in ciidamada Jabuuti, Kenya, Uganda, Burundi, iyo Masar ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalka cusub.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Itoobiya aan dib loogu soo celin doonin howlgalka, inkastoo la xaliyay xiisadii u dhaxeysay Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo lagu dhexdhexaadiyay magaalada Ankara.