27 Goobood oo Gobolka Hawd ah iyo Nidaamkii ay Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu uga Bilaabantay DAAWO
Bali-Gubadle 13.March 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Shalay si rasmi ah uga Bilaabmatay guud ahaanba Gobolka Hawd Diwaangalinta Codbixiyayaasha Somaliland doorashooyinka dalka ka dhici doonta sanadka soo socda ee 2017-ka.
Diiwaangalinta Codbixiyayaasha ayaa Bilaabmatay 27 goobood oo ka tirsan Gobolka hawd isla markaana waxay Bulshada ku dhaqan Deegaanadda Hoostaga Gobolka Hawd ayaa dadku Safaf dhaadheer ugu jireen Qaadashada Kaadhka Diwaangalinta.
Geesta kale Waxaa xarunta Gobolka ee Bali-gubadle soo gaadhay Masuuliyiin iskugu jira Wasiiro,Wasiir ku xigeeno,xildhibaano ku waasi oo si mug iyo miisaanleh loogu soo dhaweeyey Deegaanada Hoosta Gobolka howd ee ay safarku ku soo mareen.
Masuuliyiintana ayaa waxay kala yihiin Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Cali Xuseen ismaaciil jirde shoombe
Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta Shugri xariir ismaaciil Wasiirku xigeenka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha,Naasir ayjeex jaamac ,Wasiirku xigeenka Wasaarada Wasaarada Maaliyada Axmed Aw Cabdishaacir iyo Xoghaya Dowlada Hoose ee Hargeysa Axmed Darajo
waxayna Masuuliyiintani soo kormeereen guud ahaanba goobaha ay Diwaangalintu ka socoto iyagoo warbixino ka dhagaystay Howlwadeena Howshan gacanta ku haya ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland