Kenya oo Lugaha la Gashay Qalalaase Siyaasadeed oo Ka Dhashay Doorashadii Ku Celinta ahayd ee Maanta Dhacday,Tirada Khasaaraha Dhimashadda, Guddida Doorashadda oo Sheegay in Mar Kale Sabtida ay Doorasho Kale Qabanayaan & Goob Joogayaasha Caalamiga ah oo Walaac Muujiyey
Nairobi 26. October 2017 (SDN/QJ):-Doorashada ku celiska ah ee maanta ka dhacday dalka Kenya, ayaa waxaa hadheeyey isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo dibad-baxayaal, iyo goobaha codbixinta oo aan la furan deegaanada mucaaradka ku xooggan yihiin iyadoo Wararku Sheegayaan inay Soo Xidhmeen Goobihii Codbixintu.
Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ku sugnaa deegaanka Kibera ee caasimadda Nairobi, xilli ay isku dayayeen inay dhagxaan ku gooyaan goobaha codbixinta.
Ilaa hada waxaa la Xaqiijiyey in Laba qof ku dhinteen rabshadihii Maanta dhacay halka Tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen.
Rabshadaha ayaa sidoo kale ka dillaacay magaalada Kisumu, halkaasi oo tobaneeyo goobaha codbixinta ah ay xidhnaayeen, islamarkaana saraakiisha doorashada la la’yahay meel ay jiraan.
Sidoo Kale Deegaano door ah oo ka Tirsan Dalka Kenya ayaa Roob xoogan oo da’ayay uu Saamayn ku yeeshay in la geyn kari waayo Sanaaduuqda Codbixinta.
Guddida Doorashooyinka ayaa Sheegay in afar Deegaan oo Maanta aanay Ka Dhicin Codbixintu inay Sabtida ka qabanayaan.
Dhinaca Kalena Goob Joogayaasha Caalamiga ah ee u Kuurgalayay Sida ay Codbixintu u dhacday ayaa sheegay in dadka qaar la cabsi geliyay iyagoo Cadeeyay inay Jireen Kooxo dadka ka hor istaagayay inay Codkooda dhiibtaan.
Distoorka Dalka Kenya ayaa Waajibinaya in Doorashadu ka dhacdo Goobaha Degmooyin Doorasho loo aqoonsan Yahay,Hasa Yeeshee Doorashadii Maanta Dhacday ayaan ka dhicin Deegaano badan Iyadoo Dadka Siyaasadda Faaleeya Ku Tilmaamayaan Mid Carqalad gelin karta Natiijadda Doorashadda.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay laba toddobaad ka hor, isaga oo ku eedeeyey guddiga doorashada inaysan wax horumar ah ka sameyn doorashada, wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa inay qaadacaan.
Geesta Kale Qoraal ay soo saareen danjirayaasha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Nairobi ayey ku sheegeen inay si murugo leh isha ugu hayaan arrimaha doorashada ee ka socda Kenya.
Waxay sheegeen inay ka xun yihiin wax ay ugu yeedheen “faragelinta sii socota ee labada dhinac ay ku wiiqayaan hawlaha guddiga doorashada, garsoorka iyo hay’adaha kale ee lagama maarmaanka u ah”.
Danjirayaasha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Nairobi Waxay qoraalkooda hadalkooda ku cambaareeyeen weerar la sheegay in lagu qaaday qof ilaalo u ahaa ku xigeenka guddoomiyaha maxkamadda sare.
Waxaa Kale oo ay Xuseen in aanay Jeclaysan in fadhigii maxkamadda sare ee shalay uu qabsoomi waayo, inkastooay jeclaayeen in kiiska doorashada go’aan laga gaadho inta aan la isku celin.
Dadka waddanka Kenya ayey ugu baaqeen inay muujiyaan deganaan oo ay ku dhaqmaan mabaadii’da dastuurka.
Doorashada ku celiska ah ayaa timid laba bilood kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay in dib loo doorto, hase yeeshee doorashadiisa ayaa waxaa meesha ka saartay maxkamadda sare oo ku tilmaamtay sharci darro.