|

“26-ka June Marka La Gaadho, Hore Ayaanu U Nidhi Weynu Kala Tashan Ama Weynu Wada-tashadan” Mujaahid Dhegoweyne DAAWO

Hargaysa 01.June 2015 (SDN/QJ)- Mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne) oo ka ka mid ah siyaasiyiinta ku midoobay Mdasha wadatashiga iyo toosinta, ku baaqay in la iskugu yimaado wadatashi uu sheegay in lagaga hadlayo xaalada siyaasadeed ee Somaliland.

Muj. DhegoweyneDhego weyne ayaa ku dooday in gabi ahaanba la baabi’iyay wixii umadda Somaliland hore ugu heshiisay loona baahan yahay in la iskaga yimaado lagana wada tashado aayaha Somaliland.

Ibraahin Dhagaweyne oo  saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa hadaladiisii ka mid ahaa  “Yaynu horta wakhti u kordhinaynaa?, bal cidda loo kordhinayaa intay Ummadda soo hor istaagto ha tidhaahdo ii kordhiya markaas baynu garan doonaaye, oo ha yidhaahdaan sababtaas iyo sababtaas iigu kordhiya waxaas baan doonayaaye. cid wax inaga doonaysaba ma garanayo anigu ee bal aynu aragno cida wax inaga doonaysa kolba Inan yari yaanu gidaar isku keen soo taagine.” ayuu yidhi Dhagaweyne

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Waxaa baaba’ay wixii caddaalad la odhan jiray, maanta miyay caddaaladi jirtaa? Cid(Maxakamd) loo tagaa ma jirto maanta haday wax ka dhacaan. Sawirka dhabta ah ee ina hor yaal waxa weeye kaas ka muuqda dadka talada loo dhiibtay, Komishankii wax buu iskaga dhawaaqay Sharcina uma laha, Guurtida wakhtigu wuu ka dhamaaday oo sharci uma laha, saddexda Xisbi bal meeshay sharciga kaga qorantay maalintaas baa la kordhinayaa 26-ka June wixii ka dambeeya ha sheegeen, bal ciddii wax kordhisayba intay Saxaafadda timaado ha sharaxdo oo ha tidhaahdo sharciga halkaas ku qoran baanu tix raacnay oo wax ku kordhinay. Cidda kaliya ee xaq u lahayd waxay ahayd guurtida laakiin, guurtidu waa tee? ma caruurtan meesha lagaga tagay, waxaa loo baahan yahay guurti aynu soo dooranay laakiin niman 25 sannadood iska joogay meesha oo inankiisii yaraa bedelay, dee Odayadaynu soo dooranay qaar baa 15 sannadood aasan , waar Nin aan soo doortay baan rabaa inuu codkayga igu metelo maaha nin iska socda iyo nin yidhi waan dhaxlay caqli maaha waxaasi.” ayuu yidhi Dhegoweyne.

Mujaahid Dhagaweyne waxa uu intaas ku daray “ 26-ka marka la gaadho waynu iskugu iman, hore ayaanu u nidhi ama waynu kala tashan ama waynu wada tashan, ciddii khaladkaas yeelata hala ogaado, dalkani waxan ku socon maayee, ama waynu kala tashan oo Wallaahi dawlado yaryar baynu kala noqon , dadkaas oo dhan baa la rabaa in Mustaqbalkoodii nalagu hor cuno, ma soconayso oo tan waxbaa naga soo maray, kii Xamar ka yimid ee Afweyne la joogay nagu dul maamuli maayo, wixii umaddaasi ku soo dhimatay ee dadkii ku dhintay aanu garanayno ee wixii uu u baaba’ay ee uu u rogmaday aanu garanayno waa habeen xalay tagay in Inan yar oo Xamar ka yimid iyo mid maqaaxi yar haystay ay nagu dul maamulaan…ma dhacayso waxa intaas loo dhintay ee loo joogay dibada ee loo dhaawacmay ee loo dhintay ee loo rogmaday ee loo agoomoobay, malaha dhalinyaradu garan maysee Magaalada Hargeysa guri kama taagnayn, guri aanu fadhiisanno ayaanu ka waynay maalintaanu soo galnay, maantana halkii in lagu celiyo baa la rabaa laakiin, ma soconayso”. ayuu yidhi Mujaahid Dhagaweyne.

 

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed