|

“26 June: Sooyaalka taariikheed iyo 55 sanno ka hor” Qallinkii Maxamed Baashe Xasan

Markii Ingiriisku Somaliland qabsaday waxa ka hor yimi dareen diidmo ah. Waxa ka mid ahaa: “Berberi Wax Go’ Lagu Qaado Ka Weyn” oo ay jawaabtii shacbigu noqotay.

Faarax Nuur oo ka mid ahaa afhayeenkii dareenka shacbiga ayaa dharaartaas lahaa:

-Waa duni la kala iibsadoon nala -ogaysiine

-Waa duni akhyaartii luntoo aaran soo hadhaye

-Orgigaa riyaha taabaxoo oodda faaliga’e

-Waa duni hablii la arki jirey aqalka diideene

-Aan se ila ah aakhiro sebaan iligyadiisiiye

Nimanyahaw Isaaq xaajadaa la la aguugaayo

-Odayaasha loo geynayee la anfacsiinaayo

-Haddaad niman Islaamiya tihiin Aadan Faraciisa

-Oo aydaan Ilaahay ka go’in ha ina oodina’e

-Asaxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

-Hadduu awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye

-Waar inaga daaya yaynaan ku dhicin bahal afkiisiiye!!

1887 (128 sannadood hadda) ayaa Ingiriisku gacanta ku dhigay Somaliland, kana sameeyey mustacmarad uu danahiisa ku ilaashado.

-“Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye

-Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo helaye

-Anaa diiday gaal daacufle ah daba galkiisiiye

-Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora-weynaha’e

-Anaa diidey maantuu lahaa deeqdan iga hooye

-Diintayda anigaan ku gadan dabaqi naareede

-Anaa labada daarood tan hore derejo moodayne”!

(Seyid Maxamed Cabdille Xasan)

Ingiriiska kolkiiba waxa ku kacay dad badan. Seyid Maxamed Cabdille Xasan, ayaa abaabulay kacdoonkii ugu horreeyey, ugu na weynaa ee Somaliland ka hanaqaada, kuna fida dhulalkii kale ee Soomaalida.

1899 – 1921, ayuu Seyidku siyaalo kala duwan guluf weyn iyo dagaallo yaab leh Ingiriiska galaabixiyey. Ciidankii Daraawiishta oo noqday ciidankii ugu horreeyay ee dayaarado gumaysigu kula dagaallamo Afrika, ayuu Seyid Maxamed gabay iyo xoog hubaysan ku dagaal geliyey muddo ka badan 20 sannadood. Taageeradii uu u baahnaa ayuu ka waayey shacadka intiisa badan, ka dib saluug badan oo salka ku hayey sidii uu Seyidku wax u maamuli jirey, deedna isaga oo aan hadafkiisii gaadhin baa la jebiyay.

-“Coomaaddayaal duulayay Cadan ka keeneene

-Cirka iyo dhulkii bays qabsaday cadhadhaqdoodiiye

-Adigu ba caqlaad leedahaye carar maxaa dhaama”?!

(Seyid Maxamed Cabdille Xasan)

1921 ayuu Seyid Maxamed cudurka duumada ee kaneecadu keento ugu geeriyoodey Iimay ku taalla daanta galbeed ee shishe qawyada uu maro webiga Shabeelle ee dhulka Soomaalida ee Itoobiya haatan hoos taga.

Isma uu taagin kacdoonkii Ingiriiska ka dhanka ahaa, waxaana shidantay oog-dhamaceeddii halgankii xornimo-doon ee siyaasiga ahaa.

June and SomalilandXaaji Faarax Oomaar Ileeye ayaa dhammaadkii 1910-nadii bilaabay abaabul dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo hoosta ka xarriiqayey xaqa dadkiisu u leeyahay in uu aayihiisa ka tashado. Gulufka Daraawiishta iyo halganka siyaasiga ah ee Faarax Oomaar way isku soo gaadheen saaxadda, hase yeeshee Faarax qalinka iyo qawl ku-dagaallan ayuu ahaa, halka uu Seyid Maxamed Cabdille Xasan seef iyo qori ku gayllan ka ahaa.

-“Hayaay na cunyeey, naga soo gaadhaay”! iyo

-“Dadkaygu wuu ka itaal yar yahay in la rarto

Dalkayguna wuu ka yar yahay in la kala qaybiyo”!Ayaa ka mid ahaa hal-ku-dhegyadiisa siyaasadeed.

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc):

-“Da’dii uu ahaa Faarax baa jeelka loo diray

-Loo diid durriyadduu dhaliyo duunyaduu dhaqaye

-Haddeeruu sidii dawri aar dibedda meeraayee”!

Xaaji Faarax waxa uu ahaa ninkii indhaha u jeexay ee laangooyada u sameeyey waddada dawladnimada casriga ah ee Somaliland ee aynu maanta jidkeeda haynno. Isaga ayaa ka dambeeyey oo lahaa yagleelkii khayriyadaha magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Berbera oo noqday halkii ugu horraysay dareenka wadareed ee halganka xornimo baafintu ka bilaabmay.

Xaaji Faarax Oomaar Jeel iyo masaafuris ayuu noloshiisa ku dhammaystay.Xilliyadii dagaalkii labaad ee dunidu sii dhammaanayey, ayaa Sheekh Bashiir Yuusuf ka kacay magaalada Burco. Sheekh Bashiir, waxa uu ku dhashay xero Daraawiisheed oo aabbihii Yuusuf Fiqi Xasan ayaa ka mid ahaan jirey hormoodkii Daraawiishta. Sidaas awgeed, dagaal ka-fool-ka-fool ah, ayuu ku dhawaaqay in Ingiriiska lala galo.Culimadii Burco ayuu shiriyey, kuna boorriyay in ay halgan u diyaargaroobaan.

Culimadii baaqa sheekha way ka warwareegeen, waxanay u sheegeen in ay Alle ka baryi oo quraanka akhriyi si gumaysigu uga kaco. Xigmad culus iyo halhays buu Sheekh Bashiir ka tegey:

Bilaale ayuu soo qaaday oo culimadii dhex dhigay oo ku yidhi “ku akhriya 30-ka jis ee qura’aanka oo bilaalahaas ku jebiya”! kolkii ay cabbaar ku akhriyeen, ayuu bakooraddiisii inta uu qaaday yidhi “ Bismillaah” oo dhalfiifaha kaga dhigay oo bilaalihii laba ugu kala jebiyey, waxaanu yidhi ka dib “Wadaadow ficilka iyo bisinku way wada socdaan”!!

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc):

-“Duhur baa Bashiir la shannaqay daar agtiinna ahe

-Dahriga iyo laabtay raasaas kaga daloosheene

-Damal la hadh gala bay jabsheen waqaay dulloobaane”!

Sheekh Bashiir dagaal carcaro qaba ayuu Burco Ingiriiska kula galay, ugu dambayna waa lagaga xoog roonaaday, waxaanu galay Buur-dhaab oo lagu dilay isaga oo gaylan diriraaya.

Dhammaadkii dagaalkii labaad baraarug weyn ayay dadyowgii la gumaysanayay, gaar ahaan kuwii Afrikaanku, la hanqal-tooseen. Yaboohintii xornimada ayaa na cirka isku shareertay oo loo qalab iyo qaylo-dhaan dirtay.

Aasaaskii iyo hanaqaadkii axsaabtii siyaasiga ahayd ee xornimodoonka ayaa aabbudhka furatay:

Dhammaadkii dagaalka waxa lagu dhawaaqay SNL oo hore na u ahayd SNC (1935). SNL waa xisbigii ugu horreeyey ee siyaasi ah ee la yagleelo marka laga reebo ururradii Somali Islamic Association (Cadan, kuwii shaqaalaha (Somaliland) iyo Ururkii Isxaaqiya (Sawaaxil) oo wuxu ba xidhiidh toos ah inta badan iyo mid dadban lahaa halgankii siyaasiga ahaa ee Xaaji Faarax Oomaar Ileeye oo lahaa yagleelka labada hore.

SNL oo ahaa xisbigii ugu weynaa, waxana hormuudkeeda ka mid ahaa:

1. Sheikh Cumar Askar

2. Maxamed X. Ibraahim Cigaal

3. Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi)

4. Axmed Kayse Cabdalle

5. Yuusuf X. Aadan Qabille

6. Xaaji Xasan Geelle

7. Yuusuf Iimaan

8. Cabdiraxmaan Cali (Dubbe Cali Yare)

9. Maxamed Cali Faarax

10.Sheekh Cali Ismaaciil

11. Naasir Naxar

12. X. Ibraahim Cismaan Food (Basbaas)

13. Cumar Hadraawi

14. Jaamac Saalax Axmed 

15. Maxamuud Cabdi Carraale

16. Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi)

USP ayaa isna lagu dhawaaqay wax yar gobannimada ka hor, waxaa na hormuudkiisa ka mid ahaa:

1. X. Ibraahim Nuur iyo

2. Cali Garaad Jaamac

NUF, oo hore u ahaa isir loo xilsaaray soo dhicinta Hawd iyo Researve Area, Ingiriiska na arrintaas culays ku saarayey, ayaa isna wax yar ka hor gobannimada xisbi u dhalan doorsoomay, waxana horseedkiisa ka mid ahaa:

1. Micheal Mariano

2. Axmed Xasan

Halgankaasi waxa uu lahaa Jaraa’id iyo caroogyo hal-abuur oo aan idaacadda iyo tv-yada ka dhicin. Jaraa’idka waxa ka mid ahaa:

Qarnal Ifriiqiya, Alsoomaali, Al-liwaaya, Akhbaarsida!

Maxamuud Jaamac Uurdoox, Muuse Ismaaciil Galaal, Sayid Axmed Sheekh Muuse, Cumar Cabdiraxmaan (Cumar-dheere oo ahaa Ugaadeen, Hargeysana ka soo baxay doorashadii labaad ee wakiillada), Cali Maygaag Samatar iyo Xaaji Cabdi Ducaale (Cabdi Ayuub) ayaa ka mid ahaa warfidiyeenkii ugu firfircoonaa, una horreeyey.“Hayaay bal eega, Hasheenna naaxday Libaaxu haysto” iyo“Hangool nin sitoo, Hashiisa irmaan, Ha maalin la leeyahaan ahay!”Ayaa ka mid ahaa sarbeebta lagu gayllan dirirayey!

Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Basarce/Barkhadcas) ayaynu ka soo qaadan karnaa hal-abuurkii ugu codka dheeraa ee dhiirranaa halgankaas dhinaca maansada waddaniga iyo xornimo-doonka ah. Afafka Carabida iyo Ingiriisida, ayuu Barkhadcas si wanaagsan u yiqiin oo waxa uu ahaa reer Cadmeed adduunka wax kala socday. Barkhad-cas waxa la mid ahaa oo ka mid ahaa caroogyadii maanseed ee halgankaas Cabdillaahi Qarshe iyo Cali Xuseen Xirsi.

Waxa uu Barkhad-cas soo akhriyi jiray jaraa’idkaas oo labadaas af kusoo kala bixi jiray. Inta uu Faras magaalaha Hargeysa yimaaddo, ayuu dadka Afsoomaali ugu turjumi jiray:

– “Alsoomaal, Al-liwaa iyo Akhbaarsida

waxaan ahay tii afraynaysoo

Iyadu iibso iyo adduun ma gashoo

afkeedana way ku hadashaa”!

Feb 1954 Hawd and Reserve Area maalintii la bixiyay na waa kii lahaa:

– “Dhallintii waddankiyo dhulkaannu nahoo

Inaannu dhimanniyo inaannu dhacsanno

Maantaan waxba nooga dhaxaynayneey”!!

1959 Waxa Hargeysa booqasho ku yimi Diyuuk of Edenbrough. Aan soo dhowayno, ayaa dadkii yidhi Barkhadcas waxaka mid ahaa walaalkii Aadan Ismaaciil, waxaanu ku hal-celiyay:

– “Isagoo Iglan jooga buu I diloo

Ushuu soo fidshaa I iimaysoo

Waanigaa aramidiisi aahda hayee

Ninkii awoowgay Indhaa tiray

Ninkii aabbahay addoonsaday

Ninkii anigana i iibsaday

Haddaan ogohoonan ka aarsan karayn

Haddaanan Aadanow unuunka jarayn

Ninkaas araggiisa uurkaan ka ogee

Aan ooyo’e albaabka ii xidha”!

1959 waxa London loo diray oo shacbiga Somaliland metelayey weftigii xornimada qaadashadeeda in ay soo go’aamiyaan loo xilsaaray, waxa na ka mid ahaa xubnihiisa:

Maxamed X. Ibraahim Cigaal

Cali Garaad Jaamac

Axmed-kayse Caabdalle

X. Ibraahim Nuur

Markii la soo gaadhay in Ingiriisku gobannimo siinayo Somaliland, waxa saddexdii xisbi ee dalka ka jirey galeen doorasho Feb 1960.Waxa aqlabiyadda ugu weyn helay SNL oo Maxamed X. Ibraahim Cigaal hoggaaminayey, labada xisbi ee kalena waxa kala hoggaaminayey NUF oo Micheal Mariano hagayey iyo Cali Garaad Jaamac oo USP madax u ahaa.

Si kastaba ha ahaato’e, 26-kii June 1960 Beerta Xorriyadda ee u dhaxaysa Togga Maroodijeex iyo Codkii Goodirka, Hargeysa, Hooyadii Xorriyadda Soomaalida, ayaa calan saarkii ka dhacay.

Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) ayaa la oogsanaya:

– “In sidayda tihiin iyo

In kalaanan saxayne

Soomaaloo calan taagta

Saakaynoogu horrayso’e

Saaxirkii kala guurnaye

Sarreeyow ma nusqaamow

Aan siduu yahay eego’e

Kaana siib kanna saar”!

– “Waataa curatayoo mataano dhashee

Aan maallo hasheenna Maandeeqeey”

Golatoo candhadii gollaha marisee

Aan maallo hasheenna Maaqdeeq” iyo

– “Soomaalaay kulligaa

Kulmiyaa la sudhee

Kadabaa dhaha eey”!

Kooxdii Walaalaha Hargeysa oo ay ka dhex muuqdaan cododkii qayuuriga ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc iyo Maxamed Yuusuf Cabdi, labada (AHUN), ayaa iyaguna maalintaas qaadayay.

Xornimadii Somaliland waxa ay heshay aqoonsi caalami ah oo ay qalinka ku duugeen in ka badan 34 dawladood oo ka tirsan waddamada Qaramada Midoobey.Waxa xusid mudan in ay waddamada Somaliland aqoonsaday xilligaas ay ka mid ahaayeen dhammaan waddamada awoodda badan ee USA, UK, France, China iyo Germany.

Bal se 5 maalmood ka dib ayay Somaliland si shuruud la’aan ah ula midawday Soomaaliya oo 6 maalmood ka dib qaadatay xormadiisii.

Jaraa’idkii caalamka ka soo baxay, gaar ahaan Ingiriiska, waxa 26-kii Juun 1960 uu bogagga hore ku wadheen faallooyin aan faraxadi ka muuqan oo ay ka mid ahaayeen “Dadkii dawladnimadooda tuuray ama diiday iwm!”

Si kastaba ha ahaato’e, himilada halgankaasi waxa ay ahayd sii ambaqaadka riyadii Soomaaliweyn. In la xoreeyo oo deedna la isu keeno shanta Soomaaliyeed. Soomaalidii Talyaanigu gumaysanayey, Djabuuti oo Faransiisku haystey, Somaliland, NFD iyo Soomaalida Itoobiya.

1-dii Julay 1960, waxa xoroobey Soomaalidii Talyaaniga, isla maalintaana waxa is-raacay Somaliland iyo Soomaalidii Talyaaniga si shuruud la’aan ah oo degdeg ah, waxana daba ka riixayey midowgaas Somaliland oo naanaysta “Qaldaan” dadkeedu kula baxeen.

W.Q: Maxamed Baashe Xasan

Comments are closed