Mid kamid ah Dowladaha Carabta oo Khasaaro xoogan uu kasoo gaaray Xayiraada la saaray Qadar
Urdun 16. June 2017 (SDN/QJ):- Wadanka Sacuudiga iyo Wadamo kale oo Carbeed ayaa xayiraad dhinacyo kala duwan leh kusoo rogay Dowlada Qadar, Xayiraadan la saaray Dowlada Qadar waxaa ka dhashay saameyn badan uu ku yeeshay dowlado iyo Hay’ado kala duwan.
Dowlada Urdun ayaa la sheegay in uu Khasaaro dhaqaale uu kasoo gaaray xayiraada iyo go’doominta lagu sameeyay Dowlada Qadar, waxaana dalkaasi dhaqaale aad u badan uu kasoo gali jiray khudaarta iyo xoolo ay u iib geyn jireen dalka Qadar.
Urdun ayaa la sheegay in khasaartay illaa iyo hadda lacag malaayiin Dollar ah tan iyo markii Sacuudiga iyo Wadamada Saaxiibka la ah ay xayiraad kusoo rogeen dalka Qadar, waxaana marinka ka xirmay Khudaartii iyo alaabihii kale ee Urdun u iib geyn jiray dalka Qadar.
Ganacsaada Urudun u dhalatay ee wax soosaarka beeeraha gaar ahaan Khudaarta u iib geyn jira dalka Qadar ayaa bilaabay in ay hada adeegsadaan Diyaarado halka markii hore dalka Qadar alaabaha ku geyn jireen gaadiid.
Wax soo saarka Maalinlaha ee dalka Urdun ayaa hoos u dhacay tan iyo markii xayiraada la saaray dalka Qadar, waxa ayna sheegeen ganacsatada Khudaarta iyo dalaga kale u iib geyn jiray dalka Qadar in maalintii markii hore lasoo saari jiray 600 oo tan halka hada lasoo saaro kaliya 90- tan.
Sacuudiga ayaa xiray Xuduudaha uu u la wadaago dalka Qadar, waxa ayna Sacuudiga jidka ka celiyeen 85 baabuur oo xamuul ah kuwaas oo siday khudaar iyo xoolo oo ay leeihiin ganacsato u dhalatay Urdun loona waday dhanka Qatar.
Dowlado kale oo kuyaala Carabta iyo Caalamka intiisa kale ayey sidoo klale saameyn ku yeelatay xiisada ka taagan Wadamada Khaliijka Carabta gaar ahaan go’doominta lagu sameeyay dowlada Dhaqaalaha badan heesata ee Qadar.