|

25-Qof Oo La Ildaran Dhaawacyo Kasoo Gaadhay Qaraxyo Hore Muqdisho uga Dhacay Oo Loo Diray Dalka Qatar

Muqdisho:May,06,2015(SDN/QJ)-Tiro shacab ah oo hore ugu dhaawacmay Weerarro Muqdisho  uga dhacay, ayaa loo qaaday Magaalada Doxa ee Dalka Qatar si xaaladooda wax looga qabto.

???????????????????????????????Dadkan oo xaaladooda waxba looga qaban waayay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa loo baahday in caafimaad dibadeed loo raadiyo, iyadoo Dowladda Qatar ay Dowladda Somaliya ku soo wargelisay, in dadkaasi ay dalkeeda u qaadeyso.

Laba carruur ah oo isku dhegan, ayaa ka mid ahaa dadka maalintii shalay laga amba bixiyay Garoonka Duulimaadyada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Ku Xugeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, Cismaan Maxamed Cabdi, ayaa waxa uu Dowladda Qatar uu kaga mahadceliyay daryeelka caafimaadeed, ee dadkaasi u fidisay.

Wasiir Ku Xigeenka, ayaa waxa uu sheegay in tani uu gacan weyn ka geystay Sii Haayaha Safiirka Qatar ee Somaliya, Hassan bin Hamza Asad Mohammed, oo xilligan ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Cali Maxamed (Kadiye), ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay dadaal badan ku bixisay, sidii dalkaasi loogu heli lahaa caafimaad dibadeed.

Tirada dhaawacyada ee maanta loo qaaday dalka Qatar, ayaa waxay tahay 25 ruux, oo ay ku jiraan labada hablood ee isku dhegan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

 

Comments are closed