Muqdisho Oo 24-Sano Kadib Berri Lagu Qabanayo Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ee Ururka IGAD
Muqdisho:Jan,09,2015(SDN/QJ)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, ayaa berry Martigelin doonta Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Urur-goboleedka IGAD, waxana halkaas ka socdo qabanqaabadii ugu dambaysay.
Shirkan ayaa ah midkii koowaad ee muddo 24-sano ah lagu qabto Gudaha Somalia, waxana tallaabadan loo arkaa mid muujinaysa in xaaladda dalku isbeddeshay.
Shirkan ayaa waxa sida wararku sheegayaan kasoo qaybgelaya wasiirro siddeed ah oo metelaya Ururka IGAD, waxana loo arkaa mid muhiim u ah dhinaca horumarka dalka.
Guud ahaan waxaa si weyn loo adkeeyey amniga Caasimadda waxaana socday todobaad yadii lasoo dhaafay howl-galo lagu adkeeynayo amniga waxaa la xidhay qaybo kamid ah wadooyinka ugu mashquulka badan Magaaladda Muqdisho Maalmihii lasoo dhaafay maadaama Muqdisho ay kusoo fool leeyihiin Madax katirsan IGAD oo shirka ka qayb galay.
Shirka Sabtida lagu qabanayo Magaaladda Muqdisho ayaa kamid ah shirarka caadiga ah oo ay inta badan dhowrkii biloodba isugu yimaadaan Wasiiradda arimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD.
Afhayeenka Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in shirkaan intiisa badanna looga hadli doonaa arrimaha Somalia, isagoo carabaabay in shirkan uu u yahay dowladda Soomaaliya mid ahmiyad gaar ah u leh.
Si kastaba ha ahaatee, shirkan ayaa socon doona hal maalin oo kaliya, waxaana in badan oo kamid ah bulshadu u aragtaa arin guul ah oo muujinaysa dib usoo kabashada Caasimadda oo aan hore loo haweysan karin in shirar heer intan le eg lagu qabto.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com