24-Musharax ee Doorashada Madaxweyne ee Dalka Somalia oo Aqlabiyadoodu Isugu Ururtay Laba Beelood Iyo Magacyada Iyo Qabiilada Murashixiinta
Muqdisho 30. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gabo gabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xilkan isku soo sharaxay 24-Musharax oo u badan kuwa kasoo jeeda llabo beelood.
Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku jira Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore Dowlada KMG Sheekh Shariif, Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo sidoo kale R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.
Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha ayaa u badan kuwa kasoo jeeda Beesha Abgaal, oo iyadu nasiib u heshay in ay Madaxweyne ka noqdaan labadii Dowladood ee ugu dambeeyay, waxaana mar kale la sadaalinayaa in Musharax kasoo jeeda Beeshaasi uu Madaxweyne noqdo.
Waxaa kaalinta labaad kaga jira Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Musharaxiin kasoo jeeda Beelaha Majeerteen iyo Habar Gidir, waxa ayna musharaxiintan doonayaan in markan iyagu xilka qabtaan kana soo wareegto kursigaasi Beesha Hawiye gaar ahaan Abgaal.
Halkan ka Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Musharaxiinta Madaxweyne
Musharxiinta Beesha Abgaal
1-Xasan Sheekh Maxamuud
2-Shariif Sheekh Axmed
3-C/qaadir Cali Cosoble
4-Jibriil Ibraahim Cabdulle
5-Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
6-Bashiir Raage Shiiraar
7-C/laahi Cali Gees (Cadow)
8-C/llaahi Cali Xasan
Musharxiinta Beesha Majeerteen
1-Cumar C/rashiid Cali
2-Cali Xaaji Warsame
3-Saciid C/laahi Dani
4-C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole)
5-Xaaji Maxamed Yaasiin
Musharaxiinta Beesha Habar Gidir
1-C/raxmaan C/shakuur Warsame
2-C/naasir Maxamed Cabdulle
3-Maxamed Maxamuud Culusow
4-Saciid Ciise Maxamuud
Beesha Mareexaan
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
Beesha Ogaadeen
C/laahi Ciilmooge Xersi
Beesha Ujeejen Mudulood
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
beesha Leelkase
Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi
Sadexdan musharax nooma suuragelin inaan helno beelahooda
1-Maxamed C/risaaq
2-Maxamed Axmed Jabarti iyo
3-Axmed Maxamed
Musharaxiintan ayaa u badan kuwa aan saameyn badan ku laheyn tartanka Doorashada , waxaana Xilkan loo saadaalinayaa ku dhawaad 5-Musharax midkood in uu kusoo baxo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.