|

23 Ruux Oo Soomaali Ah Oo Ka Bad-baaday Doontii Ku Qarqoontay Badda U Dhaxaysa Talyaaniga iyo Masar

doon

Kalamata, 17,4,2016 (QJ/SDN) – Wararka laga helayo doontii maanta la sheegay in ay ku degtay badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Masar ayaa weli isasoo taraaya, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in ay doontaas ka bad-baadeen 23 Ruux oo kaliya, kuwaasi oo ah Soomaali.

Doontan ayaa la sheegay in ay siday dad lagu qiyaasay 500 oo ruux oo u badan Soomaali taasi oo ka anbo baxday xeebaha dalka Masar una sii jeeday Talyaaniga.

Dadka ka bad-baaday musiibadan ayaa la sheegayaa In ay hadda ku sugan yihiin jasiiradda  Kalamata ee dalka Giriiga.

 

Comments are closed