|

Xaflad Meher Ka Dhacday Magaalada Burco oo Indhaha Bulshada Soo jiidatay (Waa Gabadh Araga Naafo ka ah oo uu Guursaday Wiil Laxaadkiisa Qaba) & Dhaqaale Loogu Yaboohay DAAWO

Burco 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Munaasibad Meher oo Masuuliyiin iyo Shacab la isku arkay, isla markaana ka duwan Munaasibadaha inta badan dhiggeeda ah ee Meherrada ah, ahaydna mid la isugu dhisayey ama la isugu Guuriyey Lammaane Muslim ah oo midkood Aragtida Naafo ka yahay, ayaa Sabtidii doraad lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Lammaanaha la isugu guuriyey Xafladdan, ayaa Inantu ahayd Gabadh aan Indhaha wax ka arag oo ka tirsan dadka aragtida naafada ka ah ee magaalada Burco ku dhaqan iyo Wiil aan isagu naafo ahayn, kuwaasoo is-calmaday, aadna Xafladdoodu u farxad gelisay Masuuliyiinta iyo Marti-sharafka kala duwan ee ka qaybgalay, waxaana ka qaybqaatay hirglelinta Guurka Qoyskan dhalinyaro reer Burco ah.

Munaasibadda la iskugu Meheriyey Gabadha Aragga Naafada ka ah iyo Wiilka Calmaday, ayaa Masuuliyiinta ka qayb-galay waxay soo jeediyeen in dadka Naafada ahi u baahan yihiin in la dhiiri-geliyo isla-markaana wax walba lala garab istaago, halka Masuuliyiinta qaarkoodna ugu yabooheen dhaqaale.

Xildhibaan Mubaarik-bidhi oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Burco oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa isaguna yidhi, “Qoyskaasi waa qoys barakaysan, sidaa daraadeed Dawladda Hoose ee Burco waa ka diyaar dhulkii ay Gurigooda ka dhisan lahaayeen xilli kasta oo ay u baahdaan.”

Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ah Madaxa Barnaamijka KAALMEE KUWAN oo is-tusa Dadka Ladan iyo kuwa baahan, oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu kaga qayb-qaadanay (Arooska Gabadha Aragga Naafada ka ah iyo Wiilka) Lacag dhan 1,300 doolar.”

Munaasibadda Meherka lamaanahan is-calmaday, ayaa waxa kale oo ka hadlay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, waxaanu ku taliyey, “Waxaynu Lacag ku bixinaa wax badan oo aan Faa’iido (muuqata) inoo lahayn, ee aynu Qorshe u samaynno sidii dhallinyaradeenna Aragga Naafada ka ah iyo kuwa dhegaha la’ aynu ku dhiiri-gelinno weeyaan (Oo aynu isku guurino).”ayuu yidhi.

Munaasibadda Meherka Badra Maxamuud Nuux oo Aragga Naafo ka ah oo uu Calmaday Saleebaan Siciid Jaamac oo Laxaadkiisu dhamaystiran yahay, ayaa ka duwanayd Munaasbadaha kale ee la iskugu meheriyo Lamaanayaasha Laxaadkoodu dhan yahay, sababtoo ah waxa lagu dhiir-gelinayey inay Is-guursadaan Dadka Naafada ah iyo kuwa aan naafada ahayni.
Halkan Hoose, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Warbxinta Warkaas iyo hadalladii Xafladdaas Masuuliyiinta kala duwani ka yidheen, ee Daawasho habboon:-

Comments are closed