|

Door Intee Le’eg ayay Iran Ku Lahayd Weeraradii 11 September ?

Washington 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii dalka Iran ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weeraradii 11-kii September 2001 loo geystay dalka Maraykanka, tirada madaxda dalka Iran ee lagu eedeeyay inay kaalin weyn ka qaateen sidii loo hirgalin lahaa weeraradaasi ayaa ah lix xubnood, kuwaasi oo uu ugu horreeyo madaxweynihii dalkaasi ee Khaamini iyo Fallaaxiyaan oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha sirdoonka dalkaasi, waxaana lagu sheegay iyada  oo loo adeegsanayo cadaymo qoraal ah in ciidanka dalkaasi ee loo yaqaan ‘Al Xaras al-thawri’ ay kaalin laxaad leh ka qaateen arrintaasi. cadayntan oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay Wargeyska caalamiga ah ee loo yaqaan ‘Middle East’ .

 

Iran and 11 SeptemberWaxa sii kordhaya cadaymaha sheegaya in Iran iyo  ururada u adeega ee ugu horreeyo ururka ‘Xisbullaahi’ ay si toos ah ugu lug lahaayeen weeraradii argagixisada ahaa ee 11-kii Sep, weeraradaas oo  ay ku qudh beeleen kumanaan qof oo ka mid ah dadka ku nool dalkaasi Maraykanka, warbixintan oo ka kooban lix cadaymood oo uu soo bandhigay Wargeyska caalamiga ah ee ‘Middle East’ oo uu adeegsaday Garsooraha Maxkamadda New york ee la yidhaa George Danlis.

 

Maxkamadaasi oo soo saaratay xukun ka dhan ah dalka Iran islamarkaana gannaax lacageed oo aad u fara badan ku xukuntay dalkaasi Iran si ay magdhaw ugu noqoto ehellada dadkii ku waxyeeloobay weerardaasi.

 

Cadaymahan oo uu gacanta ku dhigay Wargeyska Caalamiga ah ee ‘Middle East ‘ ayaa waxay sheegaysaa islamarkaana cadaynaysaa in Iran u fududaysay xubnihii ka tirsanaa ururka Al-qaacida sidii ay u tagi lahaayeen xerooyinka tababbarka ee ururkaasi leeyahay ee ku yaalla dalka Afganistan, arrintaas oo ahayd arrinta ugu muhiimsan ee suurto galisay inay weereradaasi hirgalaan, waxa ay cadaymahani sheegeen in ninka la yidhaa Cimaad Muqaniyah oo ka mid ah hogaamiyayaasha ururka Xisbullaahi ee ka dhisan dalkaasi Lubnan uu booqday xubnaha weererka fuliyay bishii October ee sanadii 2000, isaga oo  u qabanqaabiyay xubnahaasi sida ay u tagi lahaayeen dalka Iran islamarkaana u sameeyey baasabooro cusub, isaga oo ka illaaliyay in wax dhib ahi soo gaadho ka hor inta aanay fulin weerarada.

 

Waxa kale oo ay cadaymahani sheegeen in dawlada Iran ay amar ku siisay ciidamadeeda  ku sugan xudduudaha dalkeeda in aanay wax shaambad ah oo cadaynaya inay xubanahaasi soo galeen dalka Iran aanay kaga dhufan baasaboorada ay sitaan si hawlaha safarkoodu ugu fududaado oo aan looga shakiyin, kuma eeka oo kaliya maalgalinta ay Iran siiso ururka Al-qaacida weerardaas oo kaliya balse waxa ay cadaymuhu sheegayaan in kaddib markii weerardaasi fuliyeen ay dawladda Iran madaxda ururkaasi siisay magangalyo iyaga oo u diyaariyay meelo amaan ah oo ay ku noolaadaan.

Comments are closed