Maamulka Falastiin oo xidhay Masuul ka tirsanaa oo Basaasnimo ugu adeegayey Israel
Falastiin, 19 January, 2016-(SDN/QJ) :– Waxaa Axaddii Doraad Xabsiga loo taxaabay mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Falastiin, kaasi oo la sheegay inuu si qarsoodi ah ugu basaasi jiray Isra’iil.
Jariirada Al Ayyam ee kasoo baxda dhulka Falastiin, ayaa sheegtay in mas’uulkan oo aan weli magaciisa la shaacin uu muddo 20 sano ah u soo shaqeenayey xisbiga PLO ee Falastiin.
Waxaa la sheegay in mas’uulkan uu kamid ahaa kooxda PLO u qaabilsan wada hadalka nabadeed ee u dhaxeeyey Falastiin iyo Isra’iil. Sida ay qorayaan saxaafadda Falastiin ninkan ayaa qirtay inuu sirta siin jiray Isra’iil.
Xadhiga mas’uulkan ayaa kusoo beegantay labo todobaad kadib markii sidan oo kale loo xidhay nin kale oo isaguna la sheegay inuu wax basaasayey.
Hay’adda Sirdoonka Israel oo loo yaqanno Mosad isla-markaana ka mid ah Hay’adda Adduunka ugu khatarta badan, ayaa Dawladaha Adduunka ku leh faro-gelin la xidhiidha Xagga War-doonka.