Home » 7:14 pm
Entries posted on “November, 2024”
Muqdisho November 28, 2024(QJ) – Duqeymo culus ayaa lala beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana deegaankaasi ka socda dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda. Dowladda federaalka Soomaaliya […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Doha November 28, 2024 (QJ) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar ku saxiixay heshiiska MAKA ee la dagaalanka musuq maasuqa, isaga iyo wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. Heshiiskan muhiimka ah ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo iskaashiga […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Laascaanood November 27, 2024(QJ) SSC Khaatumo ayaa Somaliland ku eedaysay inay dad rayid ah ku waxyeeloobeen magaalada Ceerigaabo, ka dib markii la maqlay rasaas culus abaaro 12:00 PM ee maanta. War ka soo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay si bareer ah dhibaato ugu geysteen qeybo ka mid ah dadka shacabka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho November 27, 2024 (QJ) Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dhawaan soo saartay amar lagu soo xirayo Axmed Madoobe oo 25-kii bishan markii saddexaad loo doortay madaxweynaha Jubaland. Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyay amarkan, iyadoo lagu amray soo qabashada Axmed Madoobe in la horgeeyo Maxkamadda. Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay inuu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa November 27, 2024 (QJ) Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ansax tahay natiijadii ay soo saareen guddiga doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13-kii bishan November. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maxkamadda oo uu warbaahinta u akhriyay guddoomiye Aadan Xaaji Cali, maxkamadda ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho November 26, 2024(QJ) – Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ka tirsan Congress-ka Maraykanka, kaas oo lagu taageeray xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, laguna weeraray iskaashiga Shiinaha iyo Afrika. Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ayaa sheegay in maamulka Taiwan uu si gaar ah u faragelinayo arrimaha gudaha […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho November 26, 2024 (QJ) – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mar saddexaad loo doortay Madaxweynaha Jubbaland. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo shir guddoominayay kulanka ayaa ku dhawaaqay go’aamo deg deg ah oo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Jabuuti November 26, 2024(QJ) – Waxgarad, siyaasiyiin, iyo madax dhaqameed Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Geeska Afrika ayaa maanta oo Isniin ah isugu yimid magaalada Jabuuti madal saddex maalmood soconeysa oo diiradda lagu saarayay xoojinta xasilloonida gobolka. Madashan oo sanadkiiba mar la qabto oo gashay sanadkii 8-aad ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho November 26, 2024(QJ) – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday maamul goboleedyada inay kordhiyaan maalgelinta la dagaallanka xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee dalka. James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo sharciyo lagu dacweynayo xadgudubyada ku saleysan jinsiga, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Tel Aviv November 25, 2024(QJ) – Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu has agreed in principle to a ceasefire deal with Hezbollah during security consultations with Israeli officials on Sunday night, according to informed sources. The sources indicated that Israel is still finalizing the details of the agreement, which were expected to be presented to the […]
Posted in news in English | Read More »