Home » 11:09 pm Entries posted on “September, 2024”

Taliyaha Ciidanka iyo Sarakiil Mareykan ah oo booqday Jiidaha hore

Muqdisho September 09, 2024(QJ) -Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Mareykanka ayaa booqasho ku gaaray Gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliyaha oo ay la socdaaan Korneyl David Haskell, Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka iyo saraakiil kale ayaa halkaa booqanaya. Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

US Airstrike targets Houthi positions in Yemen

Washington September 08, 2024(QJ) -The United States Central Command (CENTCOM) has announced that in the past 24 hours, their forces have successfully destroyed three Iranian-backed Houthi unmanned vehicles (drones) and two missile systems operated by the Houthis in Yemen. CENTCOM stated that these systems “posed a clear and imminent threat to U.S. and coalition forces, […]

Posted in news in English | Read More »

Qaraxyo Xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho September 07, 2024(QJ) -Qaraxyo xooggan ayaa caawa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaraxyada. Goobaha qaraxyada laga maqlay ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Xamar Weyne, Boondheere, Warta Nabadda, iyo Yaaqshiid, iyadoo wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaafiicdaasi ay sababeen qaraxyada, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Abiy Axmed oo hirgelinaya Heshiiskii Badda

Beijing September 07, 2024(QJ)-Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la dhaqan gelin doono heshiiskii ay wada gaareen Maamulka Somaliland iyo Dowladda Itoobiya, isla markaana uu socdo. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa arrintan ka sheegay mar uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Waxay ka wada hadleen […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaaliya iyo Shiinaha oo heshiis hor leh gaaray

Beijing September 07, 2024(QJ) -Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in sare loo qaadayo xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya oo laga gaarsiinayo iskaashi istiraatiiji ah kadib kulankooda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay magaalada Beijing si uu uga qeyb galo shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Lebanese PM Condemns Israeli Airstrike

Beirut September 07, 2024(QJ) -Lebanese Prime Minister Najib Mikati has strongly condemned Israel’s deadly attack on medical workers, stating, “This new aggression against Lebanon is a blatant violation of international laws and human values.” The Amal Movement, an ally of Hezbollah, confirmed that two of its members were among those killed. They said they were […]

Posted in news in English | Read More »

Xukuumada Soomaaliya oo soo saartay war ka dhan ah Itoobiya

Muqdisho September 05, 2024(QJ) Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, waxaana kulankan diiradda lagu saaray dhowrista Gobonimada Qaranka, midnimada, amniga, la dagaalanka kooxaha xagjirka ah. Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed. 1. In si wadajir ah loo difaaco Qaranimada, Madaxbanaanida […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumada Muuse Biixi oo ku adkeysaneysa xadhiga Xildhibaan Abiib

Hargeysa September 04, 2024(QJ) -Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf lagu soo eedeeyay fal khiyaamo qaran ah, isla markaana la horgeyn doono Maxkamad. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Xuseen Maxamed, ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah Maxamed Abiib Yuusuf ay muddo dheer ka socotay Golaha Wakiilada, isla-markaana […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamada Soomaaliya oo 19 Al Shabaab ka tirsanaa ku laayay duqeymo

Muqdisho September 04, 2024(QJ) War saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in in ka badan 19 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalo ay iska kaashadeen ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Howlgalka koowaad oo socday muddo 24-saac ah ayaa ka dhacay deegaanka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Josep Borrell oo Xaaladaha Soomaaliya ka wadahadlay

Muqdisho September 04, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell, ahna madaxa siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga, sida ay baahisay Villa Somalia. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, ayuu Madaxweyne Xasan ku sheegay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »