Home » 7:32 pm Entries posted on “July, 2024”

Ciidamada badda ee Yurub iyo kuwa Puntland oo shiray

Bossaso July 03, 2024(QJ) -Markab dagaal oo ka socda ciidamada badda Midowga Yurub gaar ahaan kuwa loo xilsaaray ilaalinta badda Soomaaliya ayaa soo gaaray meel ku dhow xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntland. Agaasime ku xigeenka guud ee ciidanka badda Puntland Maxamuud Silaal Cumar oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka PMPF ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaaliya iyo QM oo ka shiray mashaariicda horumarka

Muqdisho July 03, 2024(QJ)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah magaalada Muqdisho ugu qabtay shirka sanadlaha ah ee Guddiga Wadajirka ah ee Hoggaaminta Horumarka Waara ee Soomaaliya (2021-2025). Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Israel approves the most extensive land acquisition in the West Bank

Ramallah July 03, 2024(QJ)  -The Israeli administration has approved the most extensive land acquisition in the West Bank in over thirty years, as the rate of land seizure in the occupied Palestinian territories reaches its highest level, according to an Israeli settlement watchdog organization. The planned appropriation, authorized by the Israeli government late last month […]

Posted in news in English | Read More »

Beelo dagaalamay oo madax dhaqameedkooda la kulansiiyay

Garowe July 02, 2024(QJ) -Mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ku guuleystay inay isku keenaan odayaal iyo waxgarad ka kala socday labo beelood oo dhawaan ku dagaalamay Galbeedka Gobolka Mudug. Mas’uuliyiin ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland oo isugu jira xildhibaano, wasiirro heer gobol iyo degmo iyo taliyeyaal ciidan ayaa guulo la […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Lacago ka maqan khasnada dawlada Soomaaliya

Muqdisho July 02, 2024(QJ) -Hanti dhowrka guud ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyaasha ayaa ka warbixiyay xogo cusub oo la xiriira baaritaanno lagu sameeyay labo xafiis oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya. Hanti dhowrka guud ee qaranka ayaa sheegay in baaritaan xoogan lagu sameeyay xafiisyada u xilsaaran maamulka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wadahadaldii Soomaaliya iyo Itoobiya oo la isku mariwaayay

Muqdisho July 02, 2024(QJ)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay waxyaabihii ay uga wada hadleen dalka Turkiga wafdiyo kala matalayay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya. Wadahadalladan ayaa looga hadlay xiisadaha ka dhashay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Hezbollah’s involvement in the Israel-Hamas conflict has been “an act of support”

Beirut July 02, 2024(QJ)  -The deputy leader of Hezbollah in Lebanon has stated that the only certain path to a ceasefire along the Lebanon-Israel border is a comprehensive ceasefire in Gaza. “If there is a ceasefire in Gaza, we will stop without any hesitations,” Hezbollah Deputy Leader Sheikh Naim Kassem said in an interview with […]

Posted in news in English | Read More »

Soomaaliya oo deked siineysa Itoobiya

Ankara July 01, 2024 (QJ)-Wargeyska Middle East Eye oo ka warramayay dedaallada dhex dhexaadinta Turkiga ee la filayo in ay Soomaaliya iyo Itoobiya isku soo dhaweeyaan, ayaa daaha ka qaaday in Turkigu suurtogal yahay in uu Soomaaliya ka caawiyo sidii ay Itoobiya u heli lahayd deked, taas oo keeni karta in ay caqabad ku noqoto […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Jabuuti oo u jawaabtay Muuse Biixi

Jabuuti July 01, 2024(QJ)-Dowladda Jabuuti ayaa jawaab ka bixisay eedeymo uga yimid madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku jooga Somaliland Muuse Biixi oo ku aadanaa in dalka Jabuuti ay ku sugan yihiin maleeshiyo ka soo horjeeda Somaliland. Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo caddeeyay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaaliya oo u dabaaldegtay xuska sannad-guurada 64-aad ee xoriyada

Muqdisho July 01, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad-guurada 64-aad ee ka soo wareegtay xornimada iyo mideynta dalka, ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay xoojiyaan isku xirnaantooda, isla markaana ay ilaashadaan dhaxalkii ay ka tageen awoowyaashood. Madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »