Home » 4:01 am Entries posted on “February, 2024”

SOLJA oo eedeysay xukuumada Somaliland

Hargeysa February 04, 2024 (QJ) -Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay xadhiga Suxufiyin badan oo dhawaan lagu xir xidhay sharci daro. Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA Shaafici Maxamed Ibraahim oo warbaahinta la hadlay, ayaa dhaliilay xadhiga Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo ah Mulkiilaha MMTV. Waxa uu walaac ka muujiyay xadhiga Ilig oo muddo 29 […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaaliya oo shirka ka hotaga argegixisada ka qeybgashay

Riyadh February 04, 2024 (QJ) -Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kaga qeyb galay shirkii labaad ee Wasiirada Difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada Islaamka (IMCTC). Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa faah faahin ka bixiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaallanka argagixisada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gollaha amaanka oo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ka hadlay

NY February 04, 2024 (QJ) -Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Itoobiya iyo Soomaaliya inay IGAD iyo midawga Africa u kaashadaan sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya, sida uu xaqiijiyay Danjire Meles Alem oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya. Danjire Meles Alem ayaa warbaahinta u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Al Shabaab oo markale lagu duqeeyay Mudug

Jeex-Jeeaxa February 04, 2024 (QJ) -Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta duqeyn culus ay ka dhacday gobolkaasi, kaasoo lagu beegsaday goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen. Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanada Caad iyo Jeex-jeex. Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

NISA oo gacanta ku soo dhigay lataliyihii madaxa Al Shabaab

Muqdisho February 03, 2024 (QJ) -Ciidamada NISA ayaa xabsiga dhigay Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare). Muxiyidiin ayaa la sheegay in uu lataliye u yahay madaxa al-Shabaab Axmed Diiriye. Shaqsigan ayaa laga soo qabtay magaalada Muqdisho, oo uu dhuumaleysi ku galay, iyadoo markii dambe ciidamada NISA ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan. Muxiyadiin Daqare […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Puntland oo US, UK iyo Jalmalka kala hadashay amniga

Nairobi February 03, 2024 (QJ) -Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sareeye Guuto Muumin Cabdi Shire iyo saraakiil kale ayaa ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Nairobi oo looga hadlay la dagaalanka Argagixisada,Burcad badeeda iyo Tahriibinta. Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arimahan maamul gobleedka Puntland, iyo dalalka USA, UK iyo Germany, sida […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Nin Al Shabaab ka tirsan oo Mareykanka sanad ku noolaa oo la qabtay

Mineapolis February 03, 2024 (QJ) -Patrick Lechleitner oo ah ku simaha agaasimaha waaxda socdaalka iyo canshuuraha ee dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in xubin ka tirsan Al-Shabaab laga aqbalay gudaha dalka Mareykanka uuna ku noolaa muddo sanad ka badan kadib markii lagu qabtay meel ku dhow xadka koofureed ka dibna la sii daayay. Shaqsiga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

107 die in Gaza in 24 hours

Gaza February 03, 2024 (QJ)  -Israel’s attacks have resulted in at least 107 fatalities and 165 injuries in Gaza over the past 24 hours, according to the Palestinian Ministry of Health. The Health Ministry also reported a total of 27,238 Palestinians killed and 66,452 injured in Gaza since early October. Several casualties were reported in the […]

Posted in news in English | Read More »

Haweeney Muqdisho ninkeedu ku gubay oo geeriyootay

Muqdisho February 02, 2024 (QJ) -Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xaqiijiyay geeri ku timid Luul Cabdicasiis oo aheyd haweeney dhawaan ninkeeda uu ku gubay guri ay ka degeneyd tahay magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah qoyska Luul Cabdicasiis ayaa iyaguna xaqiijiyay masiibadan, iyagoo sheegay in marxuumada uu soo gaaray dhawac aad u daran […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Galmudug oo beenisay in Shabaabku askar ka laayeen

Muqdisho February 02, 2024 (QJ) -Dowlad goboleedka Galmudug ayaa war ka soo saartay sheegashada Al-Shabaab ee la xidhiidha khasaaraha ka dhashay dagaal todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug. Al-shabaab ayaa guulo waaweyn ka sheegtay dagaalka dhawaan ka dhacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug, iyagoo sheegay dawlada ay ka dileen ciidamo tiradooda ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »